Putin oo ku dhawaaqay xabad joojin KMG ah iyo hoggaanka Ukraine oo…

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabad-joojin socon doonta 36 saacadood, taasi oo uu ku amray ciidamadiisu inay joojiyaan weerarada ay ka wadaan Ukraine, inta lagu jiro fasaxa mad-habta Orthodox ee diinta Kiristaanka.

Dad badan oo haysta diinta masiixiga gaar ahaan Orthodox oo qaarkood ay ku nool yihiin Ruushka iyo Ukraine ayaa maalmaha Jimcaha iyo Sabtida ee bishan January ay tahay 6 iyo 7, waxay u dabaal degaan xuskooda gaarka ah.

Patriarch Kirill oo ah madaxa kiniisadda Orthodox ee ku taalla dalka Ruushka, si weyna u taageera duulaanka Putin ee Ukraine ayaa shalay wuxuu labada dhinac ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan xilliga fasaxa ee diinta Kiristaanka, hase ahaatee waxaa arrintan diiday xukuumadda Ukraine oo ku tilmaantay inay tahay shirqool.

Ukraine ayaa amarka Putin ku tilmaantay inuu yahay mid ay ka muuqato munaafaqnimo.

Illaa haatan kama hadlin dawladda Maraykanku xabad-joojinta KMG ah ee ku dhawaaqay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu wado dadaalo uu ku rabo in madaxweyne Putin uu la yimaado xabad joojin hal dhinac ah.