Mareykanka oo $10 milyan ku raadinaya Macallin Ayman oo ka tirsan Al-Shabaab

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa 10 milyan oo dollar ugu yaboohday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ballan-qaadkan oo lagu soo saaray Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa sidoo kale abaal-marin doona cid kasta oo keenta xog ku saabsan shaqsi kasta, oo ku lug lahaa, isku dayey, wax ka shiqroolay, gacan ka gaystan ama isku dayey inuu maleego fulinta weerarkii argagixiso ee Janaayo 5, 2020 lagu qadaay shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee saldhigga Manda Bay Airfield ee dalka Kenya.

Macallin Ayman waa hoggaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah unug ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weeraro argagixiso iyo hawlgallo ka fuliya Kenya iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixintan. Waxa uu mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020, sida uu Mareykanka sheegay

Bishii November 2020, Waaxda Arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa Macallin Ayman ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee SDGT, ayada oo loo marayo Amarka Fulinta (E.O) 13224.

Weerarkan oo dhacay aroor hore, ayaa Al-Shabaab waxay ku dileen askari Mareykanka iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayey Waaxda Difaacca Mareykanka, ayaga oo sidoo kalena dhaawacay laba askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraasleyaal kale.

Muuqaal xigay weerararka, ayaa afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab uu ku sheegtay mas’uuliyadda.

Saldhigga Manda Bay Airfield waa qeyb ka mid ah saldhigyada ciidamada difaaca Kenya, oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka si ay tababaro iyo taageero ka-hortag argagixiso u siiyaan saaxiibadooda Bariga Afrika, ugana jawaabaan xasaradaha, una ilaaliyaan danaha Mareykanka ee gobolka.

“Al-Shabaab oo fadhiggeedu yahay Bariga Afrika, waa mid ka mid ah kooxaha ugu halista badan ee ku xiran Al-Qaacida, waxaana ay mas’uul ka tahay weeraro argagixiso oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

“Kooxdan argagixisada ah ayaa sii wadda qorshaynta iyo shirqoolid ay ku doonayso inay ku geysato falal argagixiso oo ka dhan ah Maraykanka, danaha Maraykanka iyo saaxiibada shisheeye.”

Isha: VOA