SOMALILAND oo shaacisay sababaha ay ciidamadeeda ugala baxday Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Somaliland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababaha ay ciidamadooda uga baxeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo todobaadkii labaad uu ka socdo kacdoon shacab oo rabshado xoogan wata.

Mid kamid ah saraakiisha ciidanka milatariga Somaliland oo u warramay warbaahinta ayaa marka hore ka hadlay dil ay xalay ciidanku ka geysteen Laascaanood, kaas oo loo geystay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Saadle oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Sarkaalkan ayaa tilmaamay in la xiray askartii ka dambeysay falkaasi, isla-markaana maxkamad lasoo taagi doona si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Arrinta xalayto dhacday ciidanka qaranka ayay ka dhacday, cidii ay ka dhacdayna gacanta ayaanu ku haynaa oo way xiran yihiin, wixii ay yeeshaana maxkamad ayaa la geyn doonaa laba nin ayaanu arrintaa u haynaa waxay sheegayaan in uu isagu kaga horeeyay” ayuu yri.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababaha ay maanta uga baxeen gudaha magaalada, wuxuuna sheegay in ay u turayaan dadka shacabka ah, si aysan markale u dhicin rabshado kale.

“Ciidanka qaranka xalay magaalada waa uu ka baxay xeryihiisa ayuu tegay annaga oo dhowreyno inaanu dhicin dhib intaa ka weyn,” ayuu markale yiri sarkaalkan.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray inay tixigeliyeen codsiga waxgaradka deegaanka oo uu sheegay inau dalbadeen ka baxaanka magaalada, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

Isaga oo sii hadlayey ayuu soo hadal qaaday maleeshiyaadka deegaanka ee la dagaalamay ciidamada, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin dhalinyaro Jaadley ah oo ay cadiifad qaaday

“Niman dhalinyaro ah oo jaadleyaal ah oo cadiifad ay qaaday ayaa magaalada qoryo lasoo galay, odayaashoodii iyo garaaddkii beesha ayaa codsaday inaanu ciidamada soo gelin magaalada waanu u tixgelinay, iyaga u deyneynaa nabad-gelyada,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu sarkaalkan hoosta ka xariiqay in ay ka war sugayaan odayaasha iyo waxgaradka degaanka, haddii taladooda la diidana ay kusoo laaban doonaan Laascaanood.

“Haddii ay dhaafto tixgelintaas oo odayaasha iyo waxgaradka taladooda la diido ciidanka qaranka howshiisa ayuu qabsan doonaa,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Somaliland.

Magaalada Laascaanood ayaa gashay xaaladdii ugu darneyd, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Somaliland iyo shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi, kuwaas oo ka carooday dilalka qorsheysan ee alaaba loo geysto dadka haldoorka u ah bulshada reer Sool.