Agaasime Mahad Salaad oo ka falceliyey tallaabadii ay qaadeen golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salaad ayaa uga mahad-celiyay golaha wasiirada ansixinta Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, oo uu ku qeexay tallaabo muhiim ah.

“Ugu horreyn waxaan u mahadcelinayaa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka,” ayuu yiri Mahad Salaad.

“Sharciga NISA waxa uu door muhiim ah ka qaadan doonaa shaqada amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo ka hortagga in dambiyo lagu geysto magaca Hey’adda.” 

Mahad Salaad ayaa ka codsaday labada Aqal Baarlamaanka JFS in ay ansixiyaan sharcigaan si NISA u noqoto Hey’ad sharci ku dhisan oo si hufan u gudata waajibaadka qaranka.

Haddii uu sharcigan ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa NISA ay si rasmi uga mid noqon doontaa afarta qeyb ee Ciidamada Qalabka Sida.

Nabad Sugida oo magacyo kala duwan ku howlgaleysay tan iyo markii la aas aasay sida NSS iyo NISA ayaa ku shaqeyn jirtay wareegtooyin iyo awaamiirta ka soo baxda madaxdii kala duwaneyd ee soo martay dalka.

Sidoo kale haddii sharcigan la ansixiyo wuxuu soo laabi doonto taariikh dheer oo mugdi ah oo ay leedahay NISA, iyadoo Agaasime Mahad Salaad uu noqon doono Agaasimihii u horreeyay ee ku dhiirada inuu sharciyeeyo jiritaanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka.

Hay’adda NISA ayaa sanadihii dhowaa lagu eedeeyey inay siyaasadda ku milantay, islamarkaana shaqo ka dhigatay caburinta siyaasiyiinta intii ay ka shaqeyn laheyd amniga, inkasta oo tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh ay amniga un xoogga saareysay.