Wararkii ugu dambeeyey fadeexadda Midowga Yurub hareysay ee la xiriirta Qatar

London (Caasimada Online) – Fadeexaddii ruxday baarlamaanka Midowga Yurub ayaa haatan noqotay mid qoto dheer, kadib markii toddobaadkii hore la soo jeediyey in xasaanadda laga xayuubiyo laba mudane oo kale, kuwaas oo lagu eedeeyey inay laaluush ka qaateen dalka Qatar.

Dalka Qatar ayaa ka digay in baarista uu wado Midowga Yurub inuu saamayn ku yeelan karo xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeya Qatar iyo Midpwga Yurub.

Dalkan ku yaalla gacanka Carabta ayaa ah mid ka mida dalalka muhiimka ah ee shidaalka u dhoofiya Midowga Yurub, xilli uu hoos u dhacay shidaalkii ay ka heli jireen Ruushka.

Andrea Cozzolino iyo Marc Tarabella ayaa ah labadii mudane ee ugu dambeeyey ee ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub ee lagu soo oogo eedo la xidhiidha fadeexadda musuqmaasuq ee ruxday Brussels. Labadan mudane ayaa diiday inay wax laaluush ah ka qaateen dalka Qatar.

Baaritaan socday muddo sannad ah, oo ay wadeen booliska dalka Belgium ayay bishii hore waxay u dhaceen guryo ay leeyihiin xubno ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub oo qaarkood ay haatan xil hayaan iyo qaar hore xilal u hayn jiray. Booliska ayaa guryahan ka helay illaa $1.6 milyan oo dollar oo cash ah.

Booliska ayaa sheegay inay illaa $158,000 ay ka helaan guriga ay deganayd mudanaha ka soo jeedda dalka Giriiga ee Eva Kaili, oo ka mid ahayd 14 madaxweyne ku xigeen ee uu leeyahay baarlamaanka Midowga Yurub. Waxaa lagu eedeeyey inay laaluush ka qaadatay dalka Qatar.

Ujeedada ay Qatar u bixisay laaluushkan ayaa lagu sheegay inay ahayd inay dhaafsato, in loo fududeeyo masaalix dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo kaga xidhnaa Midowga Yurub.

Qatar ayaa iyadu si weyn u diiday eedahan loo soo jeediyey.