Q/Midoobe oo warbixin ka soo saartay dagaalkii Wisil

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xafiiska Qaramada Midoobay arrimaha bani’ aadanimada ee OCHA ayaa warbixin kooban ka soo saaray dagaalkii cuslaa ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

Warbixinta hay’adda OCHA ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaasi oo khasaare kala geystay ay ku barakaaceen kumanaan ruux oo shacab ah.

OCHA ayaa shaacisay inay barakacaaysha ka cararay dagaalkaasi ay gaareen xerada Dhagaxley, magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in dadkaasi ay soo wajaheen daruufo nololeed iyo hoy la’aan, waxaana ay shaacisay inay u baahan yihiin gurmad bani’aadanimo oo deg-deg ah.

Sidoo kale xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalladaasi sababay barakaca dadka shacabka ah.

Shalaye ayey aheyd markii dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay Wisil, kaas oo geystay khasaare xoog-leh.

Si kastaba xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.