Wasiir ka tirsan DF Soomaaliya oo ciidamo ku diyaarsaday duleedka Kismaayo – Xog

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Dheere ayaa lagu warramayaa in uu ciidamo beeleed ku diyaarsaday duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, halkaas oo ay ku badan yihiin qoyskiisa ama dadka uu ka soo jeedo.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiirka oo siyaasad ahaan aad uga soo horjeeda Madaxweyne Axmed Madoobe, islamarkaana aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA, la filayo in kursigiisa lagu doorto Kismaayo maadaama uu ka soo galo Jubaland.

Waxaa suurta-gal ah in kursigaas loo wareejiyo degmada Garbahaarey, hase yeeshee waxaa hadda socda dadaal la doonayo in deegaan doorashada maamul goboleedyada lagu soo koobo min hal magaalo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiir Cabdiraxmaan Dheere uu beeshiisa ka dalbaday in loo diyaariyo ciidamo beesha ah, kuwaasi oo suga ammaankiisa haddii ay dhacdo in uu tago Kismaayo ama la isku dayo in la boobo kursiga beesha, sida uu u sheegay odayaashiisa degaanka. 

Wasiir Cabdiraxmaan Dheere waxa uu kamid ah shaqsiyaadka ugu dhow Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uuna ku jiraa shaqsiyaadka xoogga geliyay in uu badasho kursigiisa inkastoo qorshahaas suurta geli waayay. 

Cabdiraxmaan Dheere ayaa sidoo kale ahaa ninkii ka shaqeeyey heshiiskii uu wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda federaalka, ugana soo goostay Jubaland.

Doorashada Soomaaliya ayaa loo arkaa in sanadkaan ay ka adagtahay sanadihii hore waxaana sababta lagu sheegay ahmiyadda ay doorashada sanadkaan leedahay iyo siyaasiinta Soomaaliyeed oo aad ukala fogaaday muddooyinkii dambe.