XOG: Maxaa dhex-maray odayaasha beesha Sacad iyo Shabaab kahor weerarki Wisil?

Wasil (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka deegaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin degaanka Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarka uu ku billowday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay irridda hore ee xerada.

Ilo ku sugan magaalada Wisil ayaa sheegay in dagaalka ay ku geeriyoodeen in ka badan 30 qof oo isugu jira shacab iyo askar, halka khasaare xoog leh loogu geystay dagaalyahanadii weeraray deegaankaas, Al-Shabaab markii ay gudaha u galeen Wisil waxay madaafiic u qeybiyeen deegaanada kale ee u dhaw, waxyoolo badan ayaana kasoo gaartay dad u badan shacab.

Dadka ugu badan waxaa dilay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen wadooyinka soo gala deegaanka ka hor inta aysan weerarka ku qaadin, sidoo kale madaafiic ayey ku garaaceen deegaanada u dhaw Wisil markii ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe xoogga isugu geeneysay sidii ay ula wareegi laheyd deegaanada dhaca koonfurta gobolka Mudug oo magaalada Wasil ay ku jirto, waxayna horay ula soo xirireen odayaal dhaqanka deegaankaas oo ka soo jeeda Beesha Sacad, waxayna u gudbiyeen dalab ah in maamulka magaalada Wasil lagu wareejiyo Al-Shabaab.

Odayaasha Sacad ayaa si cad uga hor yimid qorshaha Al-Shabaab, waxayna kooxdaan ku hanjabtay inay magaalada Wasil ka sameyn doonto dhibaatadii ay ka sameysay deegaanka Bacaadweyn oo qiyaasatii 30-km u jira Wasil.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer ku fashilmay weerarro ay ku soo qaadeen magaalada Bacaadweyn, balse ugu dambeyntii way u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan, kadib markii ay mid mid u ugaarsadeen odayaashii iyo waxgaradkii ugu muhiimsanaa deegaankaas, taas oo ugu dambeyntii keentay inay is dhiibto beesha Qubeys – Dir oo degta Bacaadweyn, iskana difaaci jirtay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa siyaabooyin kala duwan Magaalada Muqdisho iyo Bacaaweyn ugu dishay dad gaaraya 20 qof oo isugu jiray dhallinyaro, culumo, waxgaradka iyo ganacsato ay ku eedeeyeen inay sabab u yihiin in Al-Shabaab laga hor istaago qabsashada Bacaadweyn, waxayna ugu dambeyntii beesha dagan Bacaadweyn ogolaatay inay hoos tagto Al-Shabaab, kadib cabsi xoog leh oo soo wajahday.

Kooxdaan ayaa dhawaan maamul cusub u sameysay deegaanka Bacaadweyn, waxaana loo sameeyey garsoor iyo ciidan, iyadoo la sheegay in hadda doonayaan in sidaas oo kale ay ka sameeyaa Wasil oo muhiim u ah isku xirka jidka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ee gobolka Mudug.