Qaab noocee ah ayay Itoobiya usoo dhaweyn doontaa Farmaajoe, waa maxayse qorshaha Farmaajo

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa safar ku tagaya magaaladda Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kadib markii uu casuumaad ka helay madaxda dalkaas.

Safarka madaxweyne Farmaajo ee dalka Itoobiya ayaa noqonaya kii lixaad ee uu dibadda ku aado, laakiin madaxweynaha ayaa safaradiisa badan ku micneeyay iney yihiin dhisida xariirka wadamada caalamka gaar ahaan kuwa Carabta.

Waxaa uu booqday dalalka Sacuudiga, Kenya, Imaaraadka, Kuweit iyo Turkey, dhamaan dalalkaas waxaa ay Soomaaliya la leeyihiin xariir aan colaad ku dhisneyn.

Laakiin Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo dalka Itoobiya ayaa la filayaa iney si weyn uga duwanaato kuwii uu ku tagay dalalkaas, kaliya ma ahan in Itoobiya ay dano fog ka leedahay Soomaaliya ee waxaa dadka ay isha ku hayaan sida uu madaxweyne Farmaajo u wijihi doono cadaadiska saaran.

Miyaa Madaxweyne Farmaajo lagu Sharfi doonaa Adis Ababa?

Dad badan ayaa isweydiinaya qaabka ay dowladda Itoobiya usoo dhaweyn doonto madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hadii ay Itoobiya  si dhab ah udooneyso iney hagaajiso xariirka ay la leedahay dowladda cusub ee Soomaaliya, waxaa laga dareemi doonaa garoonka Adis Ababa, iyo masuuliyiinta ay usoo diraan iney soo dhaweeyaan Madaxweyne Farmaajo.

Marar badan ayay dhacday in soo dhaweynta madaxda Soomaalida ah loo diro wasiiro tabaryar, laakiin hadii Ra’isul wasaaraha Itoobiya uu saxo nadaamkaas waxaa ay ka dhigan tahay in xaalku ku bilowday wanaag.

Madaafiic maloo Ridi Doonaa mise Fardo ayaa lagu soo dhaweyn doonaa?

Madaxweyne Farmaajo ayaa si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay markii uu booqanayay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Roog Cagaaran ayaa loo dhigay markii uu soo galayay madaxtooyadda, halka sidoo kale ciidamo uu salaan ka qaatay kadibna loo riday madaafiic.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanka kale si sharaf ay ku dheehan tahay loogu soo dhaweeyay dalka Turkey halkaas oo uu booqasho sedex maalin qaadatay ku tagay.

Intii uu ku sugnaa Turkey, Imaaraadka ama Sacuudiga waxaa uu booqasho ku

tagay xarumo waa weyn oo muhiim u ah taariikhda dalalkaas.

Hadaba, Itoobiya miyay madaxweyne Farmaajo kala tusin doontaa xarumaha muhiimka ah ee dalkeeda, gaar ahaan xarumaha dowladda iyo kuwa taariikhiga ah.

Maxuu Farmaajo ka doonayaa dowladda Itoobiya?

Dowladda Itoobiya ayaa saameyn siyaasadeed iyo mid militeri ku leh Soomaaliya, waxaa ay si weyn uga dhex muuqatay doorashadii 8-dii January lagu doortay Farmaajo.

Sidoo kale militeriga Itoobiya ayaa ku sugan qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya, sidaa darted, madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasad muuqata ula tagi doona ra’isul wasaaraha Itoobiya.

Qodobada Muhiimka u ah Soomaaliya?

1-  In Itoobiya ay badasho Nooca Xariir ee Somaaliya

2- In Itoobiya ay joojiso xariirka tooska ah ee ay la leedahay maamul goboleeydada, taas oo caqabad ku ah dowladda dhexe

3- In siyaasad loo sameeyo Militeriga Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya kuwaas oo aan katirsaneyn Amisom.

4-In Safaaradda Itoobiya laga raro xarunta madaxtooyadda Villa Somaaliya

5- In Itoobiya ay fududeyso dal ku galka ama Viisaha oo waayadii danbe aan la helin.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuusan ku mashquuli doonin shaqsiyaad Itoobiya kasoo jeeda oo aysan Soomaalidu jecleyn sida In Janaraal Gabre uusan Soomaaliya ka shaqeyn.

Hadaba, Aan urajeyno Madaxweyne Farmaajo inuu guul kala soo laabto dalka Itoobiya oo aan wada ogsoonahay inuu yahay dal dano ka badan mid saaxiibtinimo ka leh Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUUQAAL BUUXA

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET