26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Qaar ka mid ah warbaahinta Somalia oo qatar ku ah midnimada SOOMAALIYA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaa waayadan soo badanayo ficilo liddi ku ah midnimada iyo wadajirka dalka,Kuwaas oo ka imaanayo qaar ka mid ah Warbaahinta ku hadashada Afka Soomaaliga haday ahaan lahayd midda la dhageytso,midda la daawado iyo waliba midda la aqristo sida Website-yada oo kale. Waxa ayna ficiladani dhacayaan intooda badan marka ay warbaahintu ka hadlayso wadahadalada u dhaaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

Warbaahintani, ayaa si qaldan u isticmaaleysa kalimooyinka Soomaaliya iyo Soomaaliland, gaar ahaan marka ay ka hadlayaan wadahadalada u dhaxeeya labada dhinac,Waxa ayna u dhigayaan sida in ay wadahadlayaan labo dal oo la kale,taas oo runtii ah wax ka fog xaqiiqda jirta, islamrakaana jahawareer ku abuureysa Shacabka Soomaaliyeed maadaama aysan jirin labo wadan oo wadahadlayo.

Maadaama ay Warbaahintani ku hadleyso Af-Soomaali, islamarkaana ay ogtahay xaqiiqda ka jirta dalka Soomaaliya,Waxa ay ahayd in ay isticmaasho erayo ku haboon waxa ay ka hadlayso. Tusaale ahaan, marka ay ka hadlayaan wadahadalada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland waa in ay u dhigaan hadaladooda sidatan
[ Waxa mar kale bilowday wadahadaladii u dhaxeeyey Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland ]

Bal inta aanan ka hadlin ficiladan liddiga ku ah midnimada iyo wadajirka dalka, ee ka imaanayo qaar ka mid ah Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga, aan marka hore sharxo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Caalamkuba u arkaan Maamulka Soomaaliand ee ka arimiya deegaano ka mid ah gobolada ku yaalo Waqooyiga dalka sida Sool,Sanaag,Awdal,Togdheer iyo W/Galbeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa u aragta Maamulka Soomaaliland maamul local ah oo la mid ah Maamulada kale ee dalka jira sida Puntland,jubaland iyo K/Galbeed oo kale, taasna waxaa daliil u ah habka ay ula hadleyso Maamulkaasi. tusaale ahaan, waxa ay Dowladdu u dirtaa Maamulkaasi marka ay la hadleyso Wasiirkeeda Arimaha Gudaha siday ay marar badanba Wasiirkeeda ugu dirtay Magaalooyinka Gorowe,Kismaayo iyo Baydhababa.

Madaxweynaha Dowladda Federaallka, ayaa marar badan sheegay in wadahadaladani looga gol leeyahay, sidii loogu qancin lahaa Maamulka Soomaaliland in uu ka tanaasulo gooni-isutaagga uu ku dhawaaqay, Islamarkaana uu ku soo biiro hanaanka Federaalka ee dalka ka jira, si loo dhameeyo kala qobqobnaanta jirta. Waxa uuna Madaxweynaha hoosta ka xariiqay munaasabado badan oo uu ka hadlay in midnimada dalka ay tahay muqadas lama taabtaan.

Dhinaca Beesha Caalamka, runtii kama foga mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Waxaana ka garan kartaa sida ay Beesha Caalamka ula dhaqmeyso Maamulkaasi. Tusaale ahaan, ma jiro dal ictiraafay ilaa maanta,Sidoo kalena ku leh Safaarad Magaalada Hargeysa oo ah Xarunta Maamulkaasi, halka Magaalada Muqdisho ay ka furan yihiin Safaarado badan, taas oo runtii daliil u ah in Caalamku uu Soomaaliya u aqoonsan yahay dal mid ah.

Mar hadaanu ogaaney sida Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamkuba u arkaan Maamulkaasi, hadaba sow ma haboona inaanu sheegno sida ay Maamulkaasi u arkaan taageerayaashiisa ? Jawaabtu waa haa, maxaa yeelay waxa ay noo faa’iideyneysaa inaanu ogaano xaqiiqda dhabta ah ee uu ku sugan yahay Maamulkaasi iyo waliba sida loo arko.

Bal aan soo qaadanno hadalo ay Maamulkaasi ka tiri Faadumo Saciid oo ka tirsanaan jirtya Xisbiga UCID, balse markii danbe ku biirtay Wadani xilli ay taageerayaasheeda kula hadlaysay Madaarka Magaalada Hargeysa, Waxaana ka mid ahaa hadaladeeda ” Waxaan soo ogaaday in dibadda aanu ka nahayn Maamul Goboleed ninkii doonayaan ha hadlo, Anaga xaqiiqdeeda soo taabanay xaqiiqdeedana soo aragnay” mar kale waxa ay tiri “Soomaaliland waa Maamul Goboleed ka mid ah Soomaaliya” ( Youtube)

Waxaa aragtidaas la qabo Gabadhaasi geesiyadda ah Siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda deegaanadaasi, Waxaana ka mid ah Farsal Cali Waraabe,kaas oo meelo badan ka sheegay, in Soomaaliland loola dhaqmo sida Maamul Goboleed hoos yimaado Dowladda Federaalka,Waxa uuna Faysal intaasi ku daray in Maamulkaasi uu yahay Maamul uu dilooday qabiil iyo eex.

Dhamaan tusaalayaashii aan soo xusnay iyo kuwa kale oo badanba, Waxa ay noo sheegayaan in Soomaaliland tahay Maamul la mid ah Maamulada kale ee dalka ka jira sida Puntland oo kale, balse ay xaqiiqdaasi ka horimaanayaan oo kaliya kooxo Muqayiliin ah, Kuwaas oo marka ay marqaamaanba Is tusiya in Soomaaliand tahay dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Hadaan u soo laabto jahawareerinta ay baahinayaan qaar ka mid ah Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga, kuwaas oo runtii si khaldan u isticmaalayo kalimaadka Soomaaliya iyo Soomaaliland, Iyagoo Shacabka u sawirayo sida in ay wadahadlayaan labo dal oo la kala yiraahdo Soomaaliya iyo Soomaaliland, taas oo runtii ka fog xaqiiqda jirta. Tusaale ahaan, xagey Dowladda Federaalka ku sheegtay in ay wadahadlayaan labo dal oo la kala yiraahdo Soomaaliya iyo Soomaaliland ?

Midda kale,xagee bay Warbaahintu ka keentay waxaa wadahadlayo Soomaaliya iyo Soomaaliland ? Runtii, Anigu ma arag meel ay ku qoran tahay warkaasi, bal waxaan ogahay in lagu heshiiyey in ay wadahadlaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland, taasna waxa cadeyn u ah sida loo kala saxiixay Heshiiskii u danbeeyey ee lagu saxiixay dalka Jabuuti.Tusaale ahaan,Waxa ay u kala saxiixeen labada Madaxweyne sidatan Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliland.

Hab saxiixaas, ayaa runtii waxa uu cadeyn u yahay in ay wadahadlayaan dowlad dhexe iyo dowlad goboleed sida kal horeba ka dhacday Magaalooyinka Gorowe,Kismaayo iyo Baydhaba. Midda kale, sow khalad ma’ahan in la isticmaalo kalimaad aan ka turjumeynin xaqiiqda jirta.Yaa yiri Soomaaliland baa ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale hadayse madax banaantahay maxaa loola hadlayaa ? Waa umad u soo kaba gashatay in ay burburiso dalkeeda!

Anigu ma garan runtii ujeedada ay leeyihiin qaar ka mid ah Warbahinta ku hadasha Afka Soomaaliga iyo waliba jahawareerinta ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed. tusaale ahaan, waxaan dhegeystay dhowr maalmood ka hor Wariye ka tirsan Idaacadda VOA-da gaar ahaan qeybteeda Af-Soomaaliya oo wareysanayo Wasiirka Batroolka ee Maamulka Soomaaliland,Waxa uuna Wariyahaasi isticmaalayey ereyga Jamhuuriyadda Soomaaliland. Goormey Soomaaliland noqotay Jamhuuriyad !

Midda kale, hadaad wariyo noqotay miyaad tuurtay waajibkii kaa saarnaa midnimada iyo wadajirka dalka mise labada boqol ee doolar ayaa kaala weyn wax kasta ? Anigu, waxaan garan la’ahay meesha ay dadkani u socdaan. Adeerow dhulkaan dadkii lahaa ha loo raadiyo. kuwan sow ma’ahan hala fiiriyo meesha ay ku danbeeyaan.

Marka aad fiiriso hab-dhaqanka qaar ka mid ah Warbaahinta ,Waxaa kuu soo baxaysa in ay qatar ku jirto midnimada iyo wadajirka dalka, Islamarkaana laga shaqeynayo sidii loo burburin lahaa dalkan iyo dadkiisa.Ugu danbeyn, Waxaan u soo jeedinayaa Warbaahintan musiibada ah in ay Ilaahay ka baqdo,Islamarkaana ka fogaato been abuurka iyo jahwareerinta Shacabka.

Gaba gabadii, waxaan u soo jeedinayaa Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ay wali ku sii jiro Soomaalinimo iyo damiir wanaagsan talooyinka soo socda si loo badbaadiyo dalkan qarka u saran in uu baaba’o.

1-In la sameeyo warbaahin wadani ah si looga maarmo warbaahintan ku howlan burburinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

2-In la joojiyo dhegeysiga, iyo la tacaamulka warbaahin kasta oo ku howlan kala dhantaalidda midnimada iyo wadajirka dalka.

3-in la helo gole siyaasadeed oo wadani si loo badbaadiyo dalkan inta uusan u wada gacangelin Xabasho iyo walaasheed.

W/Q: Cabdullahi Ibrahim
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News