FAALLO: Golaha Burburinta Qaranka !!

Wasiirki batroolka ugu horreeyay ee dowladdi Aayatullah Khumeyni Mr.Xuseen Yazdi ayaa la weydiiyay ka warran Khumeyni wuxuu ku jawaabay Khumeyni waa katarbiil waxaana katarbiil loo adeegsadaa wax dumin, waana ku guuleystay duminti dowladdi Shaaha uu qoyska uu ka soo jeeday dalka Iraan ka talinaayay muddo ku badan 2,500 sano. Nasiib  darro,  Khumeyni weli wuxuu  wadaa dumintii dalka!!!

Dalka Somaliya waxaa ku soo duulay oo hogaanka u qabtay qaswadayaal u yimid inay lacag ka aruursadaan kaddibna ku laabtaan meeshii ay ka yimideen.  Waxyaabaha lala yaabo waxaa ka mida in nin weli Wasiirnimadi xilkeedi aan  laga wareejin oo madax u naqday koox lagu tilmaami karo mujrimiin raba inay dalka aysan dowlada shaqeysa ka dhalan hadduusan isaga iyo kooxdiisa aysan ku jirin..waa Ina Goodax Barre maxaad ku tilmaami lahayd?  Waa ku filnaan weysay intii uu dhacay iyo hantidi uu ka sameeyay muddadi gaabneyd uu xilka haayay!!!

Dhibaatada dadka iyo dalka heysata kuma koobna kooxdaas oo kaliya oo waxaa ka jira kuwa intaas oo dhan ka daran kana khatarsan oo magacyo kala duwan la baxay balse ka mideysan ujeedada, qaarkoodna ay axsaab sheegtaan ( axsaab aan weli sharci loo dejin ma jiri karaan mana la aqoonsan karaa?)  Waxay ismoodeen inay iyagu jihadi ay rabaan loo leexiyo doonta aan saaraan nahay, wax alla wixii dalka & dadka  dan u ahna ay ka soo horjeestaan si Madaxweyne Xasan Sheikh uu ugu yeero Madaxtooyada lana xaajoodo, kaddibna lagac laaluush ah jeebka ugu shubo si ay uga hor leexdaan howlaha dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheikh waa nin ka xishooda inuu u dhaqmo sidooda oo kale,  laakin iyagu waxay u heystaan inuu yahay doqon waxay rabaan ay ka fushan karaan…waxay soo rashaxeen siyaasi faashil ah oon melena ku wanaagsaneyn inay ka dhigi karaan Madaxweyne.  Waxaad moodaa inay iyagu talada dalka gacantooda ku jirto, waxa arrintaan ku saaciday qunyar socodnimada Madaxweynaha oo neceb is-qab-qabsi  iyo iska daba wareega naafeeyay dowladdiisa.

Tuuga wuxuu moodaa dadka oo dhan inay sidi asaga yihiin, markaasuu xishoodka ka foogaadaa wuxuu sameynayana uu sax mooda..Haddaba, xildhibaanada waxay u badan yihiin dad mas’uuliyad qaadi kara kana xishooda inay u djhaqmaan sida kuwa aan kor ku soo sheegnay.

 Maxaa la gudboon  Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha inay sameeyaan?

Waxaan ku talin lahaa inay adegsadaan awoodda uu Ilaahey siiyay oo ah ku dhaqanka sharciga u degsan dalkan.  Waa inay xayiraan dhaqdhqaa ay wadaan qaswadayaasha iyo shirarka ay qabanayaan oo wax dumiska ah.  Ha loo adegsado sharciga KHIYAANA QARAN ( high treason) oo u fasaxaya Nabadsugidda inay xirxiraan qabqablayaasha  ka shaqeeya xayiraadda shaqada dowladda, siiba ansixinta Golaha Wasiirada.  Waxaa hubaal ah in xildhibaannada badankooda  ay ansixin doonaan dowladda laakin qaswadayaasha ay xayiraad ku soo rogi doonaan sidii hore oo kale. Markey taasi timaado waa inay joogaan Golaha shacbiga ciidamo si gaar ah tababarn oo soo qabqabta  kuwaas kana xayuubiya xasaanada iyagoon marna u aaba yeelin waxa ay ismoodeen.  Guddoonka barlamaanka laftiisa waa qabanaya sharcigaan.  Danaha dalka cid ka sarreysaa ma jirto.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaad tahay qofki laga cabsan lahaa ee ma  ahan inaad adiga ka cabsato kuwa cadaawada u ah ummadda danaheda iyo dalkaan oo cid leh aysan jirin..Horey ayaan u qoray SOMALIA DAL AAN DAD LAHAYN (Nobody’s land)..waxaan kaa codsaneynaa inaad na tusto in dalkaanu leeyahay madax diyaar u ah inay naftooda u hibeeyaan, sharta ku soo socotana ka badbaadi karaan iyagoon cidna ka heybeysan dullinimana aan dusha u dhigan si ay jagada u sii heestaan!!!

XASUUS: Ummadda oo dhan ayaa ka soo horjeedda xildhibaanda qaska wada..

W/Q: Axmad Calasow

bashaar@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid