25 C
Mogadishu
Saturday, February 7, 2026

Sirta ka dambeysa siyaasadda cusub & qorshaha uu la soo baxay XASAN SH.!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Siyaasadda khalafsan Madaxweynaha Somaliya, wuxuu kala jeedaa muddo kororsi

Tan markii la doortey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud (Septermper 2012). Dalka waxaa soo marey Xukuumado ay kala hogaaminaayeen Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. kuwaas oo aan nasiib u helin xasilooni siyaaseed, sababtana Madaxweynaha ayaa fara gelin joogto ah iyo kula dheg hawshooda kala bixi waayay, taas awgeed ayayna u wedi waayeen shaqooyinkoodii, waana midda keentay in ilaa hadda ay sal dhigasho siyaasadeed heli weyso Dowladda Xassan Sheekh, isla-markaana waxay meesha ka saartay rajaddii iyo yididiiladdii shacabka ay ka qabeen.

Xukuumadahaas mid kasta waxaa lagu soo oogey mooshin iyo eedaymo, ayna ka keeneen Xildhibaano Madaxweynuhu abaabuley, isla-markaana ay ku baxday lacago xoogan, si loo rido xukuumadahaasi, taas oo salka ku haysay ajadanyaal siyaaseed iyo kooxeysi, xilli dhaqaalahaasi ay u baahnaayeen dadka tabaaleysan oo gaajo iyo haraad ugu dhimanaya maalin kasta wadanka gudihiisa.

Bishii December 2014 dhexdeeda ee sanadkii la soo dhaafey, waxaa mar kale Madaxweynuhu kenay Raysalwasaarihii sadexaad oo ah Cumar Cabdirashiid, oo 2009-kii soo noqday Raysalwasaare, laakiin iska calisey jagadaasi markii ay xukumadiisii ku fashilantey shaqaddii loo igmaday xiligaas.

Waxaa la is lahaa xukuumadda Cumar hadda la dhisi doono waxay noqon doontaa xukuumad wanaagsan, tayo leh, ceebna ka saliim ah, si meesha uga baxaan dhammaan eedaymihii kuwii hore lagu riday ee wax qabad xumada, fashilka iyo horu socod la’aanta lagu eedeeyey.

Hadaba waxa dhacay iyo Madaxweynaha ujeedadiisa qarsoon!

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid wuxuu soo magacaabey xukuumad tiro ahaan ka badan kuwii hore, taas oo dhamaan ah xubnaheeda sida muuqata Madaxweyne Xassan Sheekh u meeriyey Raysalwasaaraha, welibana u badan xubnahani kuwii fashilka u sababta ahaa, isku dirka iyo fidnada dhex martay Madaxweynaha iyo raysalwasaarayaashii hore. Sababta soo dhisitaanka xukuumadaan wuxuu Madaxweynaha uga dan lee yahey in wadanka uusan is jiijiid iyo qalalaaso siyaasadeed uga bixin, si 2016-ka marka la gaaro isagoo qaban dhammaan waxyaabihii uu balanqaadey doorashadiisii 2012-kii, uu codsado 2 sano oo dheeri ah haduu waayana hal sano sida dadka qaarkiis qiyaasayaan ama la isla dhex maro, taasi oo haddii ay dhacdo iila muuqato dhibka iyo jahwareerka siyaasadeed, oo waqti lagu sii darey!

Madaxweynaha waxyaabaha kale ee wadanka horumarkiisa ragaadshay ee lagu eedaynayo waxaa ka mida hogaan xumo, musuq maasuq hantiyadeed, isagoo badanaa qandaraasyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha u gacan geliyey dad ay isku dhow yihiin, heyb ahaan ama koox ahaan midkood, si dhaqalaaha wadanka gacantiisa u galo, wuxuuna u adeegsan doonaa danihiisa siyaaseed, oo ay ka mid tahay kororsi waqti ama tartanka doorasho. Waxaana u sii dheer qabyaalad waxaa ka garan kartaa Madaxtooyada oo ku asteysan gurigii Umadda, min Raaskambooni ilaa Raascaseyr, oo aad arkeyso in inta badan shaqaalaha ka shaqeeyaa u badan yihiin dad qaraabo dhow la ah Madaxweynaha.

Waxaad arkeysaa hay’adaha ammaanka sida Hay’adda Nabad Suggida, oo uu madax ka yahey nin dhalin yaro ah oo aan qibrad badan lahayn, kuna jufo ah Madaxweynaha, Taliyaha Police-ka oo isna isu dhaw yihiin madaxweynaha iyo wax yaabo kale oo aan qoraal lagu soo koobi Karin, kana mid yihiin jagooyin kale oo heer sare, dhexe iyo hooseba iskugu jira oo uu qaraabadiisa ku xardhahay.

Haddiiba 2 sano oo dheeri ah loogu daro marka la gaaro 2016, muxuu soo kordhin lahaa Madaxweyne Xasan, maadaama afartii sano ee la doortey ay sidaan noqotey siyaasadiisii iyo weliba cadaaladiisa?

Wabilahi Towfiiq
W/Q: Maxamed xasan
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News