Maxaa sabab looga dhigay in la kala diro xukumaddi la soo magacaabay iyadoon barlamaanka la hor geyn? Maxaa loo sugi waayay in barlamaanku soo diido ama tala ka bixiyo? Maxaa loo sugaayay ilaa mudadaan in dib loogu naqdo wasiirada dowlawdda ay ka booban tahay? Sababaha uu u cuskaday R/Wasaaraha go’aankiisa ma ahan wax dadka wada qanci kara ama si sahlan u liqi karaan inta dareenka leh. Aniga qof ahaan kalama jecli dadka la soo magacaabay, mid dano iyo qiime gaar ah iigu fadhiyana kuma jiro oo waa isugu key mid kulligood, waxaanse ka welwelsanahay xikmadda ka dambeysa oo ah mid qarsoon oon dadweynaha Somaliyeedna aysan isku mashquulin waayoo waxaan nahay ummad wixi loo keeno wada qaata iyagoon war ka keenin.
Waxaan u maleyhaa in tallabada uu qaaday R/W Cumar Cabdirashiid ay dad badan kedis ku naqatay. Waxa looga dan leeyhayna aysan ahayn dad kale oo ka duwan ama ka fiican kuwa hadda la magacaabay ayaan soo xuli doonaa si barlamaanka ugu qanco dadka oo dhan raalli uga noqdaan kuwa la soo wado!!!. Balse tallaabadani wa ujeeddo badan!!!
Yaa ballnqaadaya in wasiirada la keni doono ay ka fiicanaan doonan kuwa la saluugsan yahay iyagoon la howlgelin? Maxaase saluugu ku saleysan yahay? Mase waxaa sabab looga dhigay farshaxanki Amiin Caamir iyo hadalladi uu ka jeedinayay, doodi Universal TV ka baxday, abwaan Owliyo oo muddo ku dhaw hal saac ku gabyaayay magaca DAHUL JADIID inuu yahay dhibaato heysata Somaliya. Safiir Owliyo oo ah aqoonyahan aan filaayo inuu diinta wax ka yaqaanno waxaa looga baahan yahay inuu naga shaafiyo si fiicanna u tafatiro mabaadi’ida Damul Jadiid, ceebaha uu leeyhy ururkaasi iyo meesha uu ka hirgalay oo laga soo xigtay dhibaatooyinka la gala kulmay haddii ay jiraan…Magaca Damul Jadiid ma magac cay ahaa oo qofka ka tirsan ay takooran tahay? Owliyow xasuuso xikmaddi carabiga ayhayd “ erayga afka ka baxaa waa sidi fallaar la genay lamana soo celi karo”..waxaan jeclaan lahaa inaad isqabato inta aadan gaarin meel aan laga soo naqa karin.
Waxaan u maleyhaa in dhacdadi maanta ay tahay wake-up-call ama saacadda dadka hurdada ka kicisa oo loogu tala galay Madaxweyne Xasan Sheikh inuu hareerahiisa iska fiirsho, waxa loo sheegayana uu iska hubsado. Waxaan la inkiri karin Xasan Sheikh labadi sano uu joogay uu dalku tallaabo aad u weyn horey u qaaday horumar heer walba ahna la higsaday lana gaaray, waana arrin cadaw iyo saaxiib loo baahan yahay inyan u qiraan guulaha uu gaaray…qof ceeb ka saliim ah ma jiro, laakin ceebta Xasan Sheikh waa inuu qof walba soo dhaweeyo, taasoo laga yaabo in kuwa ka ag-dhaw qaarkood ay aysan daacad u ahayan. Waxaa la soo gaaray xilligi uu dib u qiimeyn ku sameyn laha dadka geesahaa ka fadhiya, wuxuuna u baahan yahay inuu adeegsado khubaraa ku xeel dheer qiiemeynta hab-dhaqanka ( human behaviour analysts) iyo dad saadaalin kara taxliilna ku sameyn kara dhacdooyinka kediska ama lama filaanka ah sidi dhacdadi ka dhacday barlamaanka oo ay adkaan doonto si loo gaaro sirta ka dambeysa, ciddi adegsatay iyo meelaha ay ku wajahan tahay.
W/Q: Axmad Calasow
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

