Qaar kamid ah maqaayadleyda Soomaalida Mareykanka oo talaabo wanaagsan qaaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah milkiilayaasha maqaayadaha ku yaala dalka Mareykanka oo Soomaalida ay leedahay ayaa qaatay talaabo wanaagsan oo ay ugu gurmanayaan shacabka abaarta ay saameysay.

Soomaalida ku sugan gobolka Minnesota ayaa talabadaasi qaatay kadib markii lacagta kaga soo xarootay maqaayada ay ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta sanadkaan ku reebtay abaaraha ka jira dalka.

Maqaayadaha lacagaha ku deeqay kaliya ma laheyn dad Soomaaliyed, waxaa sidoo kale ku jiray maqaayado ay lahaayeen dad muslim ah sida dad kasoo jeeda dalka Turkiga, kuwaasi oo dhaqaalaha ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed.

Shalay oo jimco aheyd ayaa dadkii ugu badnaa waxay ka cunteeyeen maqaayadaha, maadaama loo sheegay in dhaqaalaha kasoo xarooda loogu deeqi doono shacabka abaarta ay saameysay, waana talaabadii ugu horeysay oo Soomaalida Mareykanka ay qaadaan.

Mid kamid ah milkiilayaasha maqaadayaha ayaa sheegay inay aad uga damqadeen walaalahooda dhibaatada ay heysato, sidaasina ay go’aansadeen inay ku caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com