Baladweyne (Caasimada Online) Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , waxaa maanta gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliyaiyo sidoo kale Siyasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobolkaas.
Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ayaa la tilmaama in wafdigan Si heersare ah loogu soo dhaeeyay iyagoona ka kicitimay markii hore garoonka diyaaradaha Muqdsisho .
Waxaa Wefdigaan horkacaayay Cali Abtidoon Xalane, Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Waxaana goor dhow loo galbiyay xarunta maamulka gobolkaas , waxaana jira warar socdaalka wafdigaas kasoo baxaya.
Wararka qaar waxay sheegayaan in Ujeedada ay u taggeen Magaalada Baladweyne, ay salka ku heysaa, sidii dadka Deegaanka ay u soo dooran lahaayeen Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan.
Sida qorshuhu uu yahay Xubnhan ayaa kulamo la qaadan doona Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka, Culimada, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo weliba Masuuliyiinta Dowladda ee Gobolka, waxaana la qorsheynayaa in la magacaabo gole Deegaan.
Golaha deegaanka ee lagu wado in lasoo xulo ayaa dhankooda soo xuli doona habka beelaha gobolkaasi dega ay u qeybsan lahaayeen maamulka cusub ee la qorsheynayo in Hiiraan laga hirgaliyo .
Maamulka iminka magaalada ka arimiya oo ahaa mid KMG ahaa ayaa la shaaciyay inuu ka idlaaday waqtigii loo idmaday inay gobolkaas hogaamiyaan waxaana jira qorshe lagu doonayo in maamul Cusub Gobolkaas laga hirgaliyo.
Caasimada online
Xafiiska Baladweyne