Qabashada Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad oo ka dhigan afar arrin – Fallanqeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa sumeeyay ceelashii biyaha inta aanay ka bixin degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, miinooyin ayey sidoo kale ku wareejiyeen magaalada, dadkii deegaanka ayey ku qasbeen inay magaalada ka baxaan 48 saac ka hor inta aanay ayagu bixin.

Ciidanka dowladda federaalka, kuwa Galmudug iyo ciidan deegaanka ah ayaa shalay la wareegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ay 15 sanno ku dhawaad maamulayeen kooxda Al-Shabaab.

Xarardheere waa magaalo taariikhi ah, waa magaalo xeebeed baaxad leh laakiin sanado badan waxay aheyd mid kamid ah magaalooyinka ay Al-Shabaab ka qorato dagaalamayaasha.

Xarun xukun iyo mid kamid ah meelaha ay ku dhuuntaan madaxda kooxda Al-Shabaab ayey sanado badan aheyd Xarardheere.

Tan iyo markii ciidanka Mareykanka fadhi laga siiyay Hobyo, Al-Shabaab waxay billowday inay madaxdeeda ka saarto Xarardheere.

Dhinaca barri ee gobolka Galgaduud ciidamada dowladda federaalka iyo midka deegaanka waxay qabteen Galcad iyo Ceeldheer.

Qabashada degmada Ceeldheer waa aqbaar kale oo aad u weyn, magaaladan ayaa kamid ah goobaha ugu muhiimsana ee Al-Shabaab ka haysatay Galmudug.

Ciidamada dowladda federaalka iyo midka deegaanka ayey qabashada Ceeldheer u aheyd bartilmaameed gaar ah.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Al-Shabaab miinooyin ku xarqiyeen magaalooyinka ay ka baxeen shalay laakiin ciidanka dowladda federaalka waxa la socda koox miino-baaris ah, waxaana la sheegay inay u fududaatay in ay qarxiyaan dhamaan miinooyinkii ay Al-Shabaab deegaanadaasi ku aastay intii aanay ka cararin.

Haddaba, In la qabto Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad maxay ka dhigan tahay?

1. Al-Shabaab oo ku jabtay Galmudug: Kooxda Al-Shabaab waxa gacantooda ka baxay laba kamid ah saddexdii magaalo ee ugu waaweyna ee ay Galmudug ka haysatay waa Xarardheere iyo Ceeldheer.

Ceel-buur ayaa hadda ugu weyn magaalooyinka Galmudug ee ku haray gacanta Al-Shabaab, sidoo kale Gal-hareeri oo ah magaalo muhiim ah ayaa weli ku jirta gacanta Al-Shabaab laakiin si fudud kooxdu magaalooyinkan masii joogi karto.

2. Ceel-buur oo dagaal la’aan la qaban karo: Al-Shabaabka ku sugan degmada Ceel-buur waxa ku dhacay go’doon, siima gumeysan karaan dadka magaaladaas iyo deegaanada ku hareeraysan jooga, maadama la qabtay Ceeldheer iyo Xarardheere, dhinaca Wabxo iyo dhanka Dhuusamareeb-na hore looga joogay, Shabaabka Ceel-buur ku sugan inay is-dhiibi doonaan iyo inay dhuuman mida ay tahayba hadda ma haystaan fursad ay kusii nagaadan.

Waxay u badan tahay inay mardhow isaga bixi doonaan magaaladaas, wallow aan la ogeyn xilliga ay dowladda federaalka ah u qorsheysay in magaaladaas loo dhaqaaqo.

3. Al-Shabaab iyo gobolada dhexe: Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo badan ku rafaneysay gobolada dhexe, silic badan ayey badeen dadka goboladaas ku nool laakiin tan iyo markii uu qarxay kacdoonka shacab ee lagu diidan yahay Al-Shabaab rejada kooxda ee sii joogista gobolada dhexe waxay aheyd mid naafo ah laakiin maanta waxay u muuqata inay toos uga soo dhamaan doonaan gobolada dhexe asbuucyada soo aadan.

4. Reer Galmudug iyo ballankii madaxweynaha: Dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu booqday Galmudug, wuxuu ka hadlay Baxdo, Dhuusamareeb iyo Wisil, wuxuuna intaba ka codsaday in Xarardheere la qabto, iyada oo laga aqbalay codsigaas ballana meel la kala dhigtay.

Qabashada maanta waxay ka dhigan tahay in reer Galmudug fuliyeen ballantii ay la galeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.