Cali Cosoble: Puntland ma necbi ee kibirkeedaan nacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay mowqifkii ay dhawaan ku dhawaaqday Madaxtooyada Puntland, kaasi oo uu ku macneeyay ‘kibir’.

Cali Cosoble ayaa faallo dheer arrintaan ka qoray, taasi oo cinwaan uga dhigay “Puntland ma necbi ee kibirkeedaan nacay” wuxuuna ku iftiimiyay in Puntland ay faa’iido ku qabto dowladda federaalka, ayna ku jirto danteeda, sida uu sheegay.

“Puntland ma laha beero mana laha warshado iyo wax soo saar ee waa dukaan wax soo iibsada siina iibiya. Horumarkeeda wuxuu salka ku hayaa macaashka ay ka hesho macaamiisheeda oo ah dadka dega Galgaduud, Hiiraan, Bay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Jubbooyinka,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Puntland sinnaba uga qeyb qaadan horumarka ka socda dalka intiisa kale, islamarkaana ay taqaano oo kaliya “nidaamka federaal ee ay danteeda mustaqbalka ku jirto.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Puntland ma necbi ee kibirkeedaan nacay.

Puntland! Puntland! Puntland! – Horta Puntland ma ayadaa faa’iido ku qabta Koonfur iyo dowladda federaalka mase Koonfur iyo dowladda federaalka ayaa faa’iido ku qaba Puntland?

Puntland ma laha beero mana laha warshado iyo wax soo saar ee waa dukaan wax soo iibsada siina iibiya.

Puntland waxay aad u sheegataa inay ku tallaabsatay horumar aad u ballaaran marka loo eego degaannada ka xiga Koonfur. Been ma aha laakin horumarka Puntland xaguuu salka ku hayaa?

Puntland ma laha beero mana laha warshado iyo wax soo saar ee waa dukaan wax soo iibsada siina iibiya.

Horumarkeeda wuxuu salka ku hayaa macaashka ay ka hesho macaamiisheeda oo ah dadka dega Galgaduud, Hiiraan, Bay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Jubbooyinka.

Puntland waxay canshuur ka qaadaa xoolaha nool iyo dalagyada ka baxa gobollada Koonfur ka xiga ee ay ganacsatadeeda iibsadaan dibaddana u sii iib geeyaan. Sidoo kalana waxay canshuur ka qaadaa shacabka ku nool gobollada koonfureed ee iibsada badeecooyinka ay ganacsatadeeda keento.

Puntland wax canshuur ah kuma soo xareyso qasnadda dowladda federaalka, halka ay shacabka ku nool gobollada kale ee Koonfurta Soomaaliya bixiyaan canshuurta ay dowladda dhexe mushaarka uga dhigto ciidamada, shaqaalaha dowladda iyo xildhibaannada dalka.

Puntland sinnaba ugama qeyb qaadato horumarka ka socda dalka intiisa kale waxayna ku adeegataa kuna macaashtaa kaligeed deked ay wax ku leeyihiin Reer Dhuusamareeb, Reer Baladweyne, Reer Xuddur, Reer Beydhabo, Reer Jowhar, Reer Marko, Reer Bu’aale, Reer Kismaayo, Reer Garbaharrey, iyo weliba Ree Laascaanood, Reer Burco iyo barakacayaasha ku nool gobollada dalka.

Puntland ma taqaano nidaamka federaal ee ay danteeda mustaqbalka ku jirto balse waxa ay dooneyso waa inaan la fara gashan oo ay canshuurna ka qaado shacabka Soomaaliyeed.

Puntland waxaa laga rabaa iney wax ku soo darsato Soomaaliya waayo qaabka ay hadda u dhaqanto waxba kama duwana Somaliland, keliya danteeda awgeed ayey warkeeda u asluubeysataa.

Ganacsataa canshuur bixisana ayadana waa been! Isticmaalaha (consumer) ayaa bixiya canshuur. Ganacsatada qiimaha ay wax ku soo iibsadaan waxay ku daraan canshuurta laga qaado iyo kharashaadka kale, kaddibna wexey ku darsadaan faa’iido.

Hadduu loor bariis ah ugu yimaado dalka 10 dollar, dowladduna ka qaado canshuur 1 dollar ah ayagana wexey sii iibiyaan 13 dollar oo marka la faahfaahiyo ka kooban lafihii oo 10 ah, canshuur 1 dollar iyo faa’iido 2 dollar ah.

Haddaba ma ganacsadaa bixiya canshuur mase aniga iyo adiga iyo hooyada agoomaha heysata ee ka mid ah barakacayaasha?.

Puntland dhaaxey tiri xiriir baan jaray ee culeys intee le’eg ayey dareemi haddii la jaro xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya dalka intiisa kale?

Puntland ma necbi ee kibirkeedaan nacay.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.