Ciidamada booliska oo nin hubeysan ku dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa goordhoweyd toogtay nin hubeysan oo la sheegay inuu burcad ahaa, kaasi oo ay cabasho ka muujiyeen dadka shacabka.

War kasoo baxay taliska ciidanka booliska ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkaan la toogtay kadib markii iska hor-imaad uu la galay ciidanka booliska saldhiga degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay taliska in ninkaan uu watay Mootada nooca Bajaajta oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada.

“Ciidanka ayaa burcadkaan ku qabtay xaafada Carafaat isaga oo ka dhaga adeegay amarka Ciidanka Ammiga kadibna isku dayay inuu baxsado, waxa uu watay Moota nuuca Bajaajta ah oo ay hada hayaan ciidanka Amaanka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa sare u qaaday howl-galada lagu baacsanayo burcadda, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ku guuleysteen inay soo qabtaan ku dhawaad 20 rag ah oo dadka dhaceysay.

Shalay unbey aheyd markii Booliska gobolka Banaadir uu soo bandhigay sawirrada 5-rag ah, hub ay wateen iyo gaari ay ka dhaceen dad shacabka, kuwaas oo la qabtay iyagoo baxsad ah.

Ragaan ayaa laga soo qabtay degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, iyagoo la baxsanaya gaariga ay dhaceen iyo taleefoono kale oo dad shacab ay ka uruursadeen.

Ragaan ayaa gaari nooca raaxda ah kala degay dadkii watay, kadib markii ay ka afduubteen meel u dhow garoonka cayaaraha ee Stadium Eng. Yariisoow ee degmada Cabdicasiis.

“Kooxdaan burcadka ah oo ka kooban shan rag ah oo watay qoryaha AK47 ayaa gaariga ku joojiyay isgooska Ex control, halkaas oo ay ku baarteen dadkii saarnaa gaariga iyaga oo ka qaatay dhamaan taleefanadii ay wateen, kadibna iska dajiyay dadkii shacabka ahaa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska.

Magaalada Muqdisho markii laga soo tago falalka argagixiso ee sababa dilalka madax-jebiska ah iyo qaraxyada, waxay dadkeedu qaati ka taagan yihiin dhaca tuugada, mararka qaarna waxaa dhacda in qofka loo dilo agabka uu wato dartiis.