Somaliland oo weerar ku qaaday safiirka Mareykanka ee Soomaaliya kadib markii…

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si weyn uga hortimid in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uu Somaliland uga hadlo sidii gobol kamid ah Soomaaliya, kadib qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxa lagu sheegay “in arrintaas ay tahay wax aan la aqbali karin”, maadama uu Larry indhaha ka lalinayo gooni isu-taagga iyo madax-banaanida ay ku doodo Somaliland.

“Waa wax aan la aqbali karin in Larry Andre oo ah safiirka Mareykanka ee Muqdisho uu si joogto ah uga fogaado in uu Somaliland ugu yeedho magaceeda saxda ah oo uu ku tilmaamo gobol ka mid ah Soomaaliya, uuna Berbera la xidhiidhiyo Soomaaliya in kasta oo uu si fiican u og yahay in Somaliland aanay ahayn gobol ka mid ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Qoraalka kasoo baxay Somaliland ayaa daba socda qoraal ay Axadii soo saartay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya, kaasi oo lagu sheegay in Mareykanka iyo xulufo kale ay Berbera ku samayn doonaan dhoolatus millateri, kaasi “oo aan meelna lagaga xusin magaca Somaliland.”

Sidoo kale waxa qoraalka Mareykanka lagu sheegay in dhoolatusyo lamid ah ka Berbera ay ka dhici doonaan waddamada Botswana, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Rwanda, kaasi oo ay ka qayb-gali doona illaa 20 waddan oo Soomaaliya ku jirto.

Mareykanka ayaa waxa uu Berbera u arka goob hoy u noqon karta abaabulka howl-galada uu ku sugayo amaanka gobolka, isaga oo aaminsan mabda’a midnimada Soomaaliya, taasi oo ay diidan tahay Somaliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Somaliland iyo Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhawaan yeeshaan iskaashi millateri iyo mid siyaasadeed, kadib markii uu madaxweyne Biden saxiixay xeer ogolaanaya in labada dhinac yeeshaan wada-shaqeyn noocaan ah.