Sanbaloolshe oo shaaciyay halka uu dagaalka u jihaysan doono kadib GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka tirsan Golaha Shacabka, kana mid ah mas’uuliyiinta hogaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in Galmudug kadib ay howl-galada dagaal u jiheysan doonaan Galbeedka Webiga Shabeelle.

Sanbaloolshe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalada ka socda gobolada dalka khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, si ay u aarsadaan ay u sameynayaan qaraxyo uu tilmaamay in laga feejigan yahay marka laga tusaale qaato goobaha ay ka dhaceen.

“Dagaalku marna waa sugid ammaan marna waa fool ka fool la iska soo horjeedo, marka hore waa in cadawga la naafeeyo oo la burburiyo saldhigyada uu kasoo duulo, sida aan aaminsanahay waa rafashadii ugu dambeysay,” ayuu yiri.

“Maalmaha soo socda labo kacleyn ayaa lagu sameyn doonaa la dagaalanka Shabaab, hay’adaha amaanka waxaa rajeynaa in ay sugaan amniga, dagaalka inta badan hal dhinac kama socda, marka lasoo gaba-gabeeyo dagaalka Galmudug waxaa loo jiheysan doona Galbeedka Webiga Shabeelle ee Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.”

Qaraxyada Shabaab ee gobolka Hiiraan oo uu ku tilmaamay naf la-caarigii u dambeeyay ee kooxda ayaa waxa uu sheegay in ay xilligaan u kordhisay si ay u muujiyaan in weli saameyn leeyihiin.

“Inta badan Webi Shabeelle dhiniciisa bari waa laga xorreeyay, magaalooyinka qaraxyadu maalmahaan ka dhacayeen waa magaalooyinka ugu waaweyn ee gobolka Hiiraan sida Jalalaqsi, Buulo-burte, Maxaas iyo Halgan, sababtuna waxa ay tahay in la qabtay Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad marka way ogaayeen in maalmaha soo socda magaalooyin waaweyn gacanta ka bixi doonaan si ay dadka u marin-habaabiyaan oo ay u tusaan in ay weli nool yihiin ayay weeraradaan u qaadayaan.”

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Waa ay ku guul-dareysteen furimaha iyo dagaalka fool ka foolka ah oo wax ay ku keeni waayeen ayay si cadawtinimo ah uga aarsanayaan dadweynaha una xanuujinayaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay “si loo yareeyo dhaq-dhaqaaqa ay Shabaab sameynayaan si ay u abaabulaan qaraxyo loo jiheysto deegaanada dhaca Galbeedka Webiga Shabeelle.”