QABIIL WALBOOW CALANKAA MISE??

Waxaa lagu jiraa maalmihii xoriyada, waxaad maqleeysaa Taariikhdii gumeeysiga iyo sidii xoriyada lagu helay, waxaan dib u milicsaday heestii aheeyd Qolabaa Calankeed duul waa ceeynoo anagana keena waa cirkoo kale ee, aad ayaan ugu xumahay in maalmaha xoriyada laga xuso Somaliland iyo Puntland.

Sababta aan uga xumahay in Maalmaha xoriyadda lagu xuso Somaliland iyo Puntland waa, Maamuladaas waxey bedeleen Calankii xoriyada iyo taariikhda xornimada Umada Soomaali sabbabta oo ah waxeey qaateen calan ka duwan midkii xoriyada sida oo kale Jubaland iyo koonfur galbeed iyo kuwa 3 gobal lagu magacaabay.

Waxaa balanka gumeeysiga yahay in la tirtiro taariikhdaa Umada Soomaalida iyo calankaa baluuga haa aayna noqdaan kuwo yeesha Qabiilwalba calan ka duwan kii xoriyada ee baluuga ahaa, waxaa aay mareeysaa in calankii baluuga ahaa lagu soo koobo Muqdisho iyo gobolada dhexe ilaa Muqdisho sow lama dhihi karo inyar  ayaa calankii balugaa ahaa dhabarka ku wadaa weli oo difaacaya.

Waxaa sharaf leh oo aanan marna la iloobi karin walaaha Khaatumo oo huwan calankii baluuga ahaa laguna xasuuqayo maalin walba, hadaba xagee ku dhamaan doontaa riyada gumeeysiga iyo burburinta taariikhada Umada Somali ay ku soo caano maashay, weli waxaa dabada laga haya laguna dhiiro gelinaayaa in dalka uu qaato federaal qabiil ah reerwalbana uu yeesho calan ka duwan kii baluuga ahaa, xagee u socona?

Dowlada Federaalka xaqiiqdii waxey ku socotaa xoojineeysaana in dalka uu kala irdhoobo reer walbana qaato Calan u gooni ah, waxaa lagu jiraa xiligii boobka iyo ku dagaalanka qeeyraadka dalka, awooda dowlada federaalka ma dhaafsiisana Muqdisho xagee xukunta?

Awood ma u leedahay in ay haykalka dowladnimo ku baahiso dalka oo dhan, tusaale dalka waxuu dowlad ku noqon karaa in uu leeyahay Siyaasad dhaqaale oo mid ah misna hufan, dhaqaalaha waxaa uu ka imaadaa:

•    Qeeyraadka dalka oo la dhoofiyo
•    Ilaha dhaqaale sida Dekeda iyo Madaarka
•    Canshuurta ganacsiga iyo midka suuqyada iwm

Hadaba Dowlada Federaalka waxa ay dhuuqdaa oo kaliya Gobolka Banaadir intaba Muqdisho ayaa laga qaadaa, waxaa intaasi uga sii daran hadana nabada Gobolka Banaadir maaha mid leeysku haleeyn karo.

Waxaa uga sii xun in Dowlada Federaalka raga xilka ugu sareeysa haya gobolada ay matalaan wax daqli ah dowlada federaalka kama hesho balse gobolada aay ka yimaadeen xataa xiriir lama laha dowlada federaalka xagee u socnaa?

Waxey mareeysaa cidna uma maqna ceelna uma qodna balse waxaa foolxuma ah in aan xusnaa taariikhda xoriyada iyada oo aan ognahay in calankii xoriyada iyo taariikhda ay noqtay mid la sarifo oo lagu bedelo kuwa aanan dadka iyo dalka la jaan qaadi karin.

Dhulka sow anigu ma lehi dadka sow anigu ma lehi miyuu calankeey dhacaayaa miyuu magaceeygu dhuuntaa, miyaan dhabankeeyga doorshaa miyaa dhado leeygu qariyaa..

Gobolka Sh/Hoose Bay iyo Bakool Calanka ay leeyihiin waxaa uu xuduud la yahay midka Muqdisho ka taagan ee baluuga ahaa sow xadgudub maaha, marka Shabeele State loo sameeyo calan u gooni ah waa markii ugu danbeeysay aragtida calanka baluuga ah.

Alow Sahal umuuraha.

W/Q: Dr. Ali. A. Hirabe – Hirabe_a@hotmail.com