SOMALIA weey dhimmaneysaa ismana oga: Shirqool halis ah oo loo dejiyey

Soomaaliya waxey ku jirtaa xaraarug naf la caariya, waxeyna sida loo qorsheeyey qumaati ugu soo hoobatay xabaashi lagu gunaanadi lahaa dhimashadeeda. 20 qarni ka hor taariikhda masiixiga ayaa wadamada horkacayey reer Yurub waxey go’aansadeen in magaca degaanka Soomaliya laga tiro qariidada caalamka markaas jirey oo Romanka iyo Griiga ay hormoodka ka ahaayeen, nasiib wanaag wakhtigaas waa la is maqli jirey, laakiin la isma gaari karin oo hiiladu waxey ku saleysneyd dhanbaalo la isku gudbiyo, waxeyna Xabashidu wadamadaas la lahyd iska warqabid ku kooban dhanbaal isku dirid. Somalia qarnigaas iyo ka hor waxey ka tirsaneyd wadamada magaca ku leh addunkaas oo lagu tilmaamayey wadan xaga farsamada dahabka iyo ganacsiga aad uga hormarsanaa, xiriir dhowna la lahaa Boqortooyadii Yuhuuda ee ka jirtey Bariga Dhexe, Boqortooyadii faraaciinta ee ka talineysey waqooyiga Afrika, iyo boqortooyooyinkii India iyo China. Wadanka Greece oo taariihkyahanadoodu ay aad u daneynayeen dhulka Soomaalida oo ilbaxnimadii hore ee ka jirtey Masar iyo Greece ay u haysteen dhulka ilaahyada ayey u suurtowdey in dhaqanka ilaahyada badan ee laga caabudi jirey iney u soo xawilaan Abasiniyiinta oo ahaa Xabashida ku nooleyd galbeedka buraleyda Itoobiya, waxeyna Griigu dadkaas siyeen magaca Itoobiya 800 sano ka hor dhalashada masiixiga, wixii markaas ka dambeeyana waxaa bilowday cilaqaadka u dhaxeeya ee dhanka diimaha iyo dhaqnaka oo ay wadaagaan Itobiya iyo Griiga, waxaana u soortowdey Itoobiya qorshaha loogu dhisayey ciidan cudud leh oo qalabeysan, waxaana bilowgii taariikhda masiixiga horaanteedii ay la kowsadeen dadka Soomaaliyeed ee deganaa dhulka siman oo bari ka xiga buuraha Itoobiya duulaan lagu xasuuqay oo looga barakiciyey degaanka Showa oo Adis Ababa ay ka mid tahay. Dadka Soomaaliyeed oo aan iskaashi milateri horay u la lahyn caalamka ay ganacsiga la lahayeen iyo iyagoon awoodin iska caabin xoogan ayaa waxey u kala firxadeen degaanada kale ee soomaalida oo ku teedsan ilaa xeebaha Soomaaliya, meesha qaarna ay u galeen Oromada oo ay qaateen sinjigooda, qaarna ay u talaabeen dhulalka kofureed oo hadda loo yaqaan Brundi, Ruwanda, iyo Uganda. Waxaa xigey qarnigii 13aad oo qaarada Yurub ay si horudhaca u soo dhameystireen sahanka ay ku hayeen degaano badan oo adduunka ka tirsan, waxaana kuwaas ka mid ahaa degaanka Soomaaliyeed oo warbixinadeeda ugu dambeeyey laga soo xigtey sahmiyeyaal Carbeed, Turki, iyo kuwo Iraaniyiin ah. Wadamadii qarniyadaas ugu ilbaxnimada roona iyo kuwa ugu awooda weynaa reer Yurub waxey go’aamiyeen dadka dega buuraleyda Itoobiya iney yeelato milkiyada dhulka siman ee Soomaalida oo ku dhamaada badda. Cid walba oo Yurub awood ku yeelata waxaa ka go’an meelmarinta go’aamada awooweyaashood. Cid walba oo ka soo go’day wadamada reer Yurub oo ah wadan madaxbanaan oo ka tirsan qaarad kale waxey asal ahaan raacsan yihiin qorshaha lagu go’aamiyey in dadka Soomaaliyeed la kala raacsiiyo wadamada deriska oo goor ay noqotaba lagu guuleysto meelmarinta heyb dumintaas. Hadda ka hor ayey reer Yurub go’aankaas mid la mida waxey ka gaareen dadka Kurdishka iyo shacabka wadanka Yugoslavia.

Xeelada lagu burburiyey wadanka Yugoslavia ayaa ah mid u eg kan loo qorsheeyey duminta Soomaaliya. Waxaa xiiso badan in la derso habka loo dumiyey wadanka Yugoslavia oo waayoaragnimo badan looga qaadan karo mariinka loo marayo geerida loo qorsheeyey wadanka Soomaaliya. Wadanka Greece isaga oo ka ambaqaadaya meelmarinta go’aanka reer Yurub ayuu qarnigii 14aad ilaa 16aad wuxuu isku deyey dhismaha cududa ciidanka Itoobiya, waxaana uu suurtogeliyey dulaan wakhti dheer qaatay kadib iney dhaxal wareejiyaan degaanka Harar. Ingriiska iyo Talyaaniga oo labaduba isaga mid ah dhaqangelinta go’aankaas ayey u suurtogashay dhaxal wareejinta dhulka galbeedka Soomaaliya oo gacanta loo geliyey Itoobiya iyo dhulka koofurta Soomaaliya oo loo gacan geliyey Kenya. Ruushka oo 20 sano shuucinimo ku gumeysanayey Soomaaliya ayaa dhamaadka xukunkiisa Soomaaliya talo ugu soo jeediyey iney nidaamka federaalka la gasho wadanka Itoobiya. Itoobiya waa 95 milyan, Soomaaliduna 5 milyan ma dhaafto, marka maxay u muuqataa ujeedada looga dan leeyahay dowlad isku darsiga lala wadaagayo Itoobiya? Dowladda Mareykanka oo aamintey iney heshay ragii ay baadi goobeysey iney dalka Soomaaliya xukumaan ayaa haweeney ergeyada u soo diray Soomaaliya. Jendayi Frazer oo ahayd kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibeda Mareykanka ayaa booqasho ay ku timid Soomaaliya, magaalada Baydhabo taariikhdu marka ay ahyd 04/07/2007 wakhti fiid ah oo ay kulan la soo qaadatay Cabdullahi Yusuf(AUN) iyo Cali Maxamed Geedi, waxey shir Jaraa’id oo ay ku qabatay Baydhabo ku tiri ma suurtowdo dadka ugu yar wadamada afrika iney ku noolaadaan xeebta ugu dheer Afrika, sideeten malyan oo masiixiyana ay ka oomanaadaan xeebaha ku yaal geeska Afrika, hadalkaas oo liidnimo iyo meel ka dhac ahaa waxaa loo arkay in madaxdii martida loo ahaa ay u riyaaqsanayeen, wax jawaabana aysan ka bixin. Hadalkass iyo kuwo kale oo naga qarsoon kama maqna qorshaha loo dejiyey dhulka yar ee ku soo haray Soomaaliya in laga wareejiyo culaabta uu ku hayo ka faa’ideyso laantiisa. Waxaa horay loogu soo dhiibey dad ay liidato masakaxdoodu in gobolada dalka ay u sameeyaan magacyo qabiil, kuwa la diidey inta ay jirtey taariikhda dowladnimada Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa Majeerteenya, Ogaadenya, iyo Cafar & Ciise, hadeerna waxaa socota in la curiyo degaano badan oo loo sameeyo maamulo federaala oo ku dhisan qabiil, kuwaas oo nuxurkooda ugu dambeeya uu yahay abuurista dalal yar oo u xuubsiibto ka mid noqoshada federaalka Itoobiya. Awooweyaashii Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogeen waxey ka sinaayeen in dhulalka Soomaaliyeed aan lagu xardhin magacyo qabiil, taas oo ka turjumeysa inuu yahay dhaxal ay wada leeyiin Soomaalidu iyo ineysan beelna si gaara u sheegan karin lahaanshaheeda. Waxaan shaki lahayn in shisheeyuhu qiima kasta ha ku qaadatee iney jidkasta u marayaan baadi goobka ay ugu jiraan helitaanka shaqsiyaadkii dili lahaa Soomaaliya iyo beelihii lagu fulin lahaa googoynta dalka Soomaaliyeed.

Bal aan fiirino waxa ay ku dambeysey qaranimadii dalka Yugoslavia oo dhalatay 1918, dhimatayna 2003. Wadankaas waxaa isgu yimid deegaanadiisa qowmiyaad kala duwan oo kala ah: Jarmal, Turkey, Slovenia, Serbia, Croatia, Serbia, Albania, talyaani, iyo bosnia. Fowdada laga dhex curiyey qowmiyaadkaas iyo colaada loo qabey xukunkii dalkaas soo maray ee Cusmaaniyiinta ayaa ku dhaliyey Wadamada Reer Yurub in dalkaas la kala googooyo oo aan la isku keenin dadka asal ahaan ka soo kala jeeda Raashka, Turkida, iyo Yurub oo ay xukumadii dalkaas ka soo hanaqaadey ay qowmiyaadahaas ku mideysay dalka. Wadanka Mareykanka wuxuu ka kooban yahay shacuub kala duwan oo ka soo kala jeeda dadka ku noola wadamada adduunka oo dhan, haddana sidaas oo ay tahay ayaa laga shaqeeya dadkaas xiriirkooda in la isku dumo oo la isku tolo qowmiyadahaas kala duwan si ay u noqdaan shacab cid walba isaga dhow.Waxaa shacabka Yugoslavia oo mideysan laga dhex dhaliyey qaadashada nidaamka federaalka iyo dagaalo ka dhashay sameynta xuduudyo la dhexdhigayo inta u dhexeeysa qowmiyadaha oo mid walba lagu dhiirogelinayey inuu ka goosto dalka intiisa kale. Dalalka Yurub waxaa soo maray dagaalo culus oo dhexdooda ah, waxeyna u kala qeysanaayeen siyaasad ahaa, ciidan ahaan, iyo degaan ahaan, sidaas daradeed uma aysan suurtogeleyn iney dalka ay la damacsan yihiin burburka oo ku dheyaala ay toos awood ugu qeybiyaan, laakiin waxey u dejiyeen qorshe lagu jaangooyey dumintiisa, taas oo loo soo maray nidaamka federaalka oo abuuray degaano ay qomiyadaha degan u sameysteen maamul dowladeed, kuwaas oo si taag daran la isgu dabray inta laga hiigsanayey qarxinta xasaradihii lagu kala googoyn lahaa. Dowladda Yugoslavia oo qanuun ahaan u jirta caalamka ayaa degaanadii ay ka koobneyd waxey ku dhawaaqeen iney yihiin dowlado ka madax banaan magaca Yugoslavia, waxaana sidaas ku curtay 7 wadan oo la kala yiraahdo: Macedonia, Serbia, Montenegro, Kosovo, Bosnia iyo Herzegovina, Croatia, iyo Slovenia. Magaca Yugoslavia oo ahaan jirey qaran dowlad leh wuxuu burburay 2003 markii uu waayey degaan uu xukumo dadkiisa, taas oo dhalisay duminta qarankaas iyo aqoonsiga wadamada ka dhex curtay oo dhameystiray soo afmeerida qorshaha lagu xakameynayey fiditaanka Islaanimada iyo shuucinimada uga soo fideysey jihooyinka waqooyi bari iyo koofur bari ee qaarada Yrurb.

Haddii Soomaaliya loo ogolaan lahaa sida wadamada ka dumey qaaraddaYurub iney yeelato wadamo cusub oo ka soo dhexbaxa oo helaya aqoonsi caalamiya waxey ahaan lahayd liibaan, laakiin sida muuqata hal dhul oo ka soo go’a Soomaaliya looma ogola in loo aqoonsado dal madaxbanaan. Cabdirisaq Xaaji Xuseen(AUN) oo hadal dardaaran ah kula taliyey beelweynta ay tolwadaaga yihiin ayaa wuxuu u soo gudbiyey fariin murti reebtay oo ahayd: Carada aad u qaadeen reer Muqdisho waa mid Soomaalinimo iyo Islaanimo xalinteedu ku dhamaan karto, laakiin masiirka Soomaaliya yaan gacanta loo gelin shisheeye aysan jirin cid wax ka qaban karta marka ay xaalaalsadaan gaarista danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ku yiri Carabi haddii ay wanaag noo hayso awooweyaasheen kama aysan soo tageen ee Somalia yaan cadowga Xabashida gacanta loo gelin. Waxaan shaki lahayn maamulada ka xarig furtay Muqdisho oo ku haminayaa iney noqdaan dal madaxbanaana haddii ay ku dhawaaqi lahayeen ka mid noqoshada federaalka Itoobiya ineysan ku qaadateen wakhti dheer in sidaas loogu aqoonsado.

Wadamada Yurub oo maanta dhan walba ka mideysan suurogal uma ahan iney cudud go’aamadooda ku dirqiyaan,waxeyna siyaabo kala duwan oo soo martay marxalado kala duwan ay u soo dileen wadankii Yugoslavia,taas oo howsheedu qaadatay qiyaas ahaan hal qarni, waxaana sidaas si la mida ugu qorsheysan iney u dilaan Soomaaliya oo marka hore wadajirka dadkooda la kala dilayo, lagana dhigayo qowmiyaad kala duwan oo aan wada noolaan karin, mid walbana xaq loogu siinayo inuu sameysto maamulka dowlada qabiilkiisa,waxaana hirgelinta xeeladahaas gacan ka geeysanaya dad howlahaas loo soo tababaray oo lagu heshiiyey in madax looga dhigo hayadaha caalamka kuwooda ugu waaweyn. Waxaa intaas barbar soocta sumeynta dadka ee badda iyo beriga loogu duugayo sunta halista ah ee nukulerka iyo kimikada, kuwaas oo heshisyadooda ay u soo mareen dadka ay hore ugu doorteen meelmarinta ujeedooyinkooda xambaarsan abaalmarin dhaqaale iyo awoodsiinta siyaasadeed, waxaana intaas u dheer qorshaha ay la dejinayaan wadamada deriska oo lagu beerjilicsanayo beelaha qaar ka mid ah oo si qunyarusocda looga dhaadhicinayo in Itoobiya iyo Kenya ay ka dowalnimo wanaagsan tahay intii Soomalia lala wadaagi lahaa maamul dowladeed, si taas ay u meelmartana sida Yugoslavia loo afgambiyey oo kale in la raaco casharadii lagu kala wareejiyey shacabkeeda, kuwaas oo lagu doonayo in dadka Soomaaliyeed marka hore loogu sameeyo xuduudo dhexdooda ah oo beelaha waaweyn lagu qanciyo iney yeeshaan soohdimo la aqoonsan yahay oo u dhexeeya. Hadda ka hor kuwaas kuwo la mid ah ayey ku guuldareysteen Talyaaniga iyo Ingriiska iney ka hirgeliyaan Soomaalia, laakiin hadda qorshahaas u noqday mid fikirkiisu soo rogaal celiyey, noqoteyna maantay fursad furan oo lagu saleynayo nidaamka federaalka lagu doonayo in Soomaaliya loogu dhiso dowlad qabiil. Habkan wuxuu horudhac u yahay in beeshii saluugtaa dowladda Soomaaliya iney degaankeeda kala baxdo oo ay ku dhawaaqdo madaxbanaani ay gooni isugu taagan wakhti kooban, dabadeedna wakhti kadib marka la aqoonsan waayo ay iskaashi la furtaan wadamada deriska, iskaashigaas oo ugu dhambeysta ku soo idlaada midow ay isku darsoomaan mid ka mida wadamada deriska.
Soomaaliya waa sii dhimaneysa umana muuqato dadkeeda, laakiin waxaan cadeyn goorta ay imaan doonto dadka dalkan iska leh marka ay xaqiiqsan doonaan wadada lagu socdo marxalada ay ku soo xirmo doonto, taas oo noqon karta sida Yugoslavia in hal qarni la sugo ama in lala sugayo sida wadamadaYurub oo kale in la taabo geliyo Midowga Afrika oo dhinac walba laga mideeyo, markaas kadibna loo sameeyo wadamadooda qariidado cusub, taas oo dhalisa barakac lagu sameeyo qowmiyaad maanta jira oo lagu dhexmilo kuwa la doonayo adeegsigooda iyo lahaanshaha dhulaka in lagu wareejiyo. Waxa keliya oo badbaadin kara qorshahaas waa wadamada Yurub oo dib ugu noqda kala qeybsanaantooda dhinaca fikirka, kaas oo sababa dagaal dhexdooda ah oo salka ku haya maamulida kheyraadka dunida. Dalalka ka soo jeeda heybta reer Yurub waxaa soo maray marar badan awoodo mideeyey sida xukuumado ku dhisan boqortooyooyin, diimo, iyo mabda’yo leh dhaqan-dhaqaale, laakiin ugu dambeysta waxaa kala firdhiya oo dhexdooda cadowtooyo dhexdhiga damacooda waalan oo ku dhisan lahaanshaha addunka iyo kheyraadkiisa, kaas oo qolo walba ay dooneyso iney lahaato talada wax lagu qeybsanayo oo ay keligeed awooda ugu weyn ku yeelato.

Xisbiga Dadka waxey u soo jeedinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in wadanka laga badbaadiyo ineysan taladiisu gelin cadowga gacantiisa muuqata, lagana soo dhiciyo gacanta qarsoon ee hadda maamuleysa, kuna hogaamineysa iney ku socto sida qorshe ahaan loogu talagalay oo ah dhulka Soomaaliya iney kala dumaalaan Itoobiya iyo Kenya. Shacabka Soomaaliyeed waxaa la xasuusinayaa in hayadaha caalamka kuwooda ugu weyn iyo nabad ilaaliyeyaasha ineysan daacad ka ahayn kaalmeynta shacabka Soomaaliyeed oo dantoodu ay tahay in weligeed ay Soomaaliya ahaato dal loo tuugsi tago oo dagaalo iyo abaaro aysan ka dhamaan. Marna qalbigaaga yuusan gelin iney ka shaqeynayaan danaha wadan saboola iyo maslaxada shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxey u taagan yihiin meelmarinta adeegyada danaha iyo maslaxada wadamada waaweyn oo bixiya qarashka ay ku hawlgalaan. Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in dhibaatada shisheeyaha la maagan yahay ay ka midoobaan oo dareenkooda ay ku xoojiyaan in shacabka Soomaaliyeed u yahay isma huraan aan la isku dhaamin, sidaas daradeedna looga gudbo iskudhacyada la qorsheeyey in Soomaalida la isaga horkeeno oo la isgu tuso si aad u xun, taas oo reebta mahadho xanuun badan oo dadku ay ku kala irdhoobaan.

Dr. Saciid Ciise Maxamuud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka
saciidciise258@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid