HOGGAAMIYAHA SHACABKU HIIFAY !!!

Illaahey ayaa mahad leh. Boqorka aan isagu laheyn wiil, wehel iyo walaaltoona. Waaxidka uusan ruuxna Lamaaneyn lana wadaagin maamulka. Weynaha awooda baddan ee haddana sareeya, cidna hiil weydiisan laakiin isagu u hiiliya ciduu doono isagoo hoddan ka ah oo waliba hawlyaraan intuu u uumay hogaamiyaa waxii isaga kasoo hadhay.

Nabbadgelyo iyo naxariisiba kor-kiisa ha’ahaato nebi Muxamed, Nuurkii baxaayey iyo naxariistii loogu nimceey koonka oo idil, si’uu ugu nasteexeeyo aadamaha fariin naxariis xanbaarsana gaadhsiiyo si’ay ugu dhego nuglaadaan, oo u naawilaan nimcada Jannada Iyo waliba inuu nacabka naarta uga digo.

Intaa kadib, maalin wacan oo wanaagsan.

Maalmaha adduunyadu badanaa muuqa iyo midabkaba isaga eeg. Laakiin waa meerto isku midna maaha. Qaar ayaa mugdi ah oo taariikh madowleh, kuwo kalana Milgo taariikheed iyo maamuus sharafeed ayaa ah astaanta iyo muraayada ay marwalbaba iska dhex-daawadaan dadkuna ku xusaan kuna xasuustaan. Maalmaha wanaagsani waxay galaan taariikhda Maanka wey la’dersaan, maskaxdey ku qormaan, qalbigey ku milmaan, markaasaa marar baddan wanaagooda dib loo milicsadaa tusaale ahaan july -01-1960 waa maalintii gobolada konfureed ee dalkeenu gobonimada ka qaateen saancadaalihii gumeystaha Talyaaniga sidoo kale waxaa midoobay gobollada koonfurta iyo waqoooyiga Soomaaliya. Laakiin maalin kale ayaa ka qiimo qaayo baddan maalintan oo maxay tahay? Maalintii adduunkan ugu nuurka iyo naruurada badneyd, nafleyda ku dhex noolina ugu nasiibka badnaayeen waa maalintii Nebi Muxamed C.S.W uu dhashay. Sidoo-kale maalintii ugu mugdiga iyo murugada badneyd waa maalintii uu sagoontiyay aduunka Suubanuhu ee uu geeriyooday. Saadaasha Sabban waliba si’u eeg, saacan hada la’joogaana maaha mid sahlan. Hadii si’guud loo milicsado sawirada qaaradaha aduunka saluug lagama waayo weyse kala sitaan oo qaarbaa samada sahan ugu jira sidey ku saldhigi lahaayeen. Kuwo kalana sawracooda iyo sifahooda dib u socodnimo yaa lagu sargooyey, madaxdoodu way siloontahay, soohdimihii saancadaalihii gumeystuhu sawiray yay sadriga ku heystaan oo ayna si’kale uga guuri karin, Soomaaliya iyo South-sudan ayaaba ugu siidaran.

Sidoo kale Mandiqada bariga dhexe waxaa kasoo burqanaya baraarug isbedel doona, kaas oo bilaabmay sannado ka hor lana magac-baxay gugii Carabta (Arab Spring) kacdoonkani waxuu ku bilowdey karbaash loo qaatay kaligood taliyayaashii carbeed, Oo lagu caajisay cabudhintooda iyo kursiga ay caashaqeen ee cidiba la’wadaagi karin.

Baraarugani waxaan ka madhneyn hilow iyo hiil Islaam oo hada dardar cusub galay. Habsami u socodka baraarugan hadafkiisu waxuu u muuqdaa inuu la’midyahay roob maalmo baddan da’ayay oo haddana mawjado iyo dabaylo xooggan wata. Ma’shakibaa kaaga jira inuu soo rogi doono daadad xoog-baddan oo ay ka dhashaan fatahaado laga yaabo iney ku dareeraan guud ahaan mandiqada bariga dhexe? Sidoo kale baraarugani waxaa laga yaabaa inuu saameeyo caalamka oo idilba. Waxaa Scientific ahaan loo cadeeyey in-waxkastoo sare u kacaa ku qasbanyihiin iney mar uun hoos u dhacaan. Waxaynu sugeynaa Sareeyaha cadaalada iyo Xikmada baddan go’aankiisa oo aan marnaba racfaan laga qaadan karin la’isna hortaagi karin. Xikmad ayaa waxay tidhaahdaa:

”Hadii Illaahay damco inuu xukunka ka tuuro Madaxweyne ama hogaamiye dulmi-baddan heybadiisa ayaa laga siibaa quluubta dadka.” Murtidani saw hagaag umay muujin hadafkii loo dhigey oo heybadoodii lagama siibin quluubta shacabka ay xukumayeen?kadibna saw hogaamiyayaashii hilmaamay dadkoodii haada lamacunsiin oo hadafkoodiina lama beenayn? Hogaamiyayaashii hanka weynaa maxaa helay:

Hogaamiyihii-hore ee Libya: 1. Mucamar Al-qadaafi.

Madaxweynihii hore ee Tunisia: 2. Zen Al-caabidiin.

Madaxweynihii Yaman: 3. Cali Cabdallah Saalax.

Madaxweynihii hore Masar. 4. Xusni Mubarak oo lagu naaneysi jiray (Daaxikatul Baqara) Wadada kuwani mareen waxaa uga horeeyey kuwo ay habdhaqanka xun wadeegeen oo heybadii Alle ka qaaday.

Hadaba waxaa jira kuwo hadhay oo hada jooga aad ugu heelan iney haleelaan halkii ay mareen kuwii ay sharta ku walaaloobeen ee hankoodii sareeyey intaa hoos loo dhigay, hogaankiina hungo ka noqdey ama qaarkoodba ciida hoosmaray. Inta hogaamiye xun hadhay ee hurineysa collaada, Iyagana heybada Alle haka qaadee way habsaameen hawshooduna wey dheeraatay, laakiin iney-halaagsamaan waa lama huraan.

W/Q: Cabdihakim Herer

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid