“Waa maxay warbaahin? Yaase wariye noqon kara?” Qalinkii C/weli Garyare

Warbaahintu waa nooc dadka loogu sheegayo wax dhacay oo ay muhiim tahay inay la socdaan, balse ma ahan wax ay ogyihiin oo loo soo gudbiyo.
Dadka warbaahinta ka shaqeeya waxaa loogu yeeraa (Wariyayaal) oo afka qalaad lagu yiraahdo “ Journalists.” Kuwaasi oo u shaqeeya wargeys, majalado, mareegyadda “Website” , TV ama Radio.
Tilmaanta ugu dhaw ee wariyaha la siin karo waa inuu yahay mid jecel akhrinta islamarkaana awood u yeelan kara xog kasoo saarista dunida ku hareereysan.
Warbaahimtu waxay ka timaadaa dhowr jiho.
  1. War
    A. War degdeg ah: Soo gudbinta war markaasi dhacay.
    B. Xog-dheeraad ah: Soo gudbinta warbixino xiisao leh oo aan aheyn war degdeg ah.
    C.Baaritaan:Banaan soo dhigida xogta qarsoon oo ay shacabka rabaan inay ogaadaan.

Wariyaha ugu fiican waa midka si fudud wax u akhriya,cod macaan leh, islamarkaana ah mid caqli badan oo si xiiso leh wax kuugu soo gudbin kara.

Warbixin qoris ama diyaarin.
Sidee ayaa ku heli kartaa xogta ka danbeysa warka aad gudbineyso?

Waxaa jira saddex waddo oo aad u mari karto helista xogta aad warka ama warbixinta ka sameyneyso.
Wareysi: Wareysi ka qaad qof aqoon u leh waxa aad rabto inaad warbixin ama war ka sameyso.
Waqtigeli : Daawo oo dhageyso xogta meesha aad rabto inaad war ka sameyso.

Taariikhda: Akhri sheekada, warbixinadda, wixii horey looga sameeyey ama daabacan ee laga hayo.
Dadka iyo qoraalada aad isticmaaleyso xilliga aad warbixinta qoreyso waxaa lagaa doonayaa inaad ugu yeerto “Ila-wareedyo/Sources.” Warbixintaada ku cadee xogaha aad isticmaaleyso. Sidoo kalana xusuusnow inaad si sax ah u qorto magacyadda xogaha aad isticmaaleyso iyo dadka aad xogtaasi ka heshay.
Waxaa xilliyadda qaar dhici kara in dadka aad xogta kasoo heshay isku magac yihiin, haddaba si loo kala garto qofkasta xogta uu gaarka kuu siiyey waa inaad sameysaa isticmaalka magaca, da’da, meesha uu deggan yahay iyo shaqada uu qabto, maxaa yeelay intaasi waa ku kala duwan yihiin dadka aad xogta ka heshay.
Xilli kasta oo aad wareysi qaadeyso, xog-baareyso ama aad wax akhrineyso waxaa muhiim inaad meel ku qorato shanta weydiimood oo xudunta u ah xog helid dhameystiran.
Waa kuwama iyaga?
Maxay sameeyeen?
Xaggee ku sameeyeen?
Goorma ayey sameeyeen?
Sidee ayeyse u sameeyeen? 
Wariyaha wanaagsani waxaa uu howshiisa ka bilaabaa su’aalahaasi. Waxaanna laga doonayaa inuu sameeyo iibsiga buug qoraaleed kaasi oo uu ku qoro waxkasta oo xiiso leh oo uu maqlo, arko ama uu akhriyo maalinkasta. Taasi waxay keeneysaa inaad dib u milicsato imisa warbixinood oo wanaagsan ayaa la qoray iyo xogta daahsoon ee la soo saaray dunida asbuuc kasta. 
Furaha war gudbinta iyo warbixin qorista. 
Halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa furayaasha saxaafadda wanaagsan. 
Hel xaqiiqdda. Dhammaan inta aad awoodo ee xaqiiqo ah.
U sheeg akhristayaashaada ama daawadayaashaada halka aad ka heshay xogta aad soo gudbineyso.
Sidoo kale xaqiiqo ka sheeg waxa aadan ogeyn wali ee muhiimka u noqon lahaa warbixintan.
Ha isku dayin inaad warbixinta usoo gudbiso si mugdi ku jiro ama cadaalad-darro ka muuqato ee u diyaari si cad oo la wada fahmi karo. 
Marka aad warbixin qoreyso waxaa lagaa doonayaa in sida ugu macquulsan ay noqdaan sadaro gaagaaban. Iyaddoo qeyb kasta lagaa doonayo inaad kusoo gudbiso xog cusub. 
Haddii arrin kale oo muhiim ah aad ku dareyso xogtaasi iskuday inaad paragraph cusub furato, kadibna aad halkaasi kusoo gudbiso xogta kale ee muhiimka ah, balse waa inaad iska hubisaa inaysan la mid aheyn wixii aad horey usoo qortay. 

Haddii ay jira hadal uu toos u dhahay qof aad wareysatay kadibna aad rabto inaad sidiisa usoo gudbiso waxaa muhiim kuu ah inaad muujiso calaamadaha loogu talagalay in lagu xaqiiqjiyo inuu isaga yiri hadalkaasi. Tusaale fiican waa sidan: 

“ Waxay ila tahay in nidaamka hadda socda uu yahay mid wax weyn kusoo kordhiyey dalkeena.” Ali Nuur oo ah 30 jir arday ka ah jaamacadda Muqdisho ayaa yiri sidaasi. 

Waxaa sidoo kale dhici karta nidaam aad qofkaasi warka uu yiri u isticmaaleyso adiga oo aadan muujim caalamadaha aan kor kusoo isticmaalnay. Waxaana tusaale kuu ah: 

Si kasta oo rajo xumo dadka qaar u muujiyaan, haddana annigu waxaan qabaa in guushu inoo soo dhawdahay, ayuu Ali Nuur ku yiri wareysigan. 

Qoraalkan yar waxaa uu bilow u yahay qoraalo taxane inoo noqon doona, oo aan rabo inaan ugu faa’iideeyo dhallinyaradda warbaahinta soo gashay, balse aan helin fursad ay wax badan uga ogaadaan aqoonta durugsan ee warbaahinta iyo sida ay u shaqeyso. 

Mahadsanidiin.

Abdiweli Ibrahim Aden “Garyare”

Agaasimaha Hayaan Media
Email: Garyare139@yahoo.com
Hilversum, Netherlands