Hal sano oo Morsi Masar xukumaayay iyo Halsano oo uu Al-Sisi Xukumaayay

By Asad Cabdullahi Mataan

Hordhac: Waxan idinla wadaagayaa qoraal ay qortay Dr. Walaa Ramadan oo ay isku barbar dhigayso, Hiraaladii, aragtiyihii iyo guulihii Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Masar Mohamed Morsi iyo kuwo General Al-Sisi, Madaxweynaha hada ee Dalka Masar oo muddo HAL sano ah dalka Masar ka ariminaayay , haatana loo doortay madaxweynenimada dalka Masar. Dr. Ramadan waxay is barbar dhigeeda ku bilowday:

Sanad ka hor, July 3, 2013, ayay ahayd markii xilka laga tuuray Madaxweynihii u horreeyey ee Shicibka Masar ay soo doortaan ka dib kacdoonkii 25 kii January ee xukunka lagaga qaaday Madaxweynihii mudada badan dalka Masar soo xukumayay ee Hosni Mubarak. Inqilaabka Dr. Maxammed Morsi wuxuu yimi sannad ka dib muddo xileedkiisii, inqilaabkaasi oo uu hogaaminayay Wasiirkiisii Difaaca, Abdel Fatah Al-sis. Waxay hada ku haboontay in la is barbar dhigo maadaama oo Al-sisi hada xilka hayay muddo Sannad ah. 12 kii bilood ee ugu dambeeyey dalka Masar waxa ka dhacay dhacdooyin badan oo aan la sii filaynin, sida ololihii Madaxweynenimo ee Al-sisi oo ku guulaystay doorasho inta badan caalamka iyo bulshaduba ay u arkaan mid aan sharci ahayn, taasi ma ahan arrin ay bulshada Masar filayeen ka dib kacdoonkii 25 January.

Ololayashii Madaxweyne nimo ee Morsi & Al-sisi

Marka la eego afkaarta iyo siyaasaddaha Al-sisi ee musharaxnimadiisii, bulshada Masaarida in badan oo ka mid ahi waxay aaminsanayeen in Al-sisi wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka haysta dalka Masar, Marka loo eego Madaxweynihii uu inqilaabay ee Mohamed Morsi. Fikirka & Siyaasaddaha Al-sisi waxay muujiyeen faraq weyn oo u dhexeeya Hiraaladii & Higsigii Madaxweyne Morsi iyo kuwiisa.

Ololihii musharaxnimadiisa, Al-Sisi waxa wax laga waydiiyay dhibaatooyin badan oo ay dadka Masaaridu hada wajahayaan. Waxa ka mid ahaa, xalka uu u hayo in Masar ay ka baxdo Koronto yaraanta oo ay hesho dab ku filan, Al-Sisi fikirkiisa ku wajahan arintaasi wuxuu ku sheegay “In muwaadin kasta oo Masar ahi uu ku bedelo Laambadaha uu shito ee Korontoda ah kuwo kaydinaya awooda Korontada, sidoo kale waa in ay yareeyaan isticmaalka agaba Elektaroonika ah ayuu intaasi ku daray”.

Markii Mohamed Morsi la waydiiyay suaal la mid ah taasi Al-Sisi la waydiiyay wakhtigii uu ku jiray ololihiisii Madaxtinimo ee 2012, wuxuu sheegay in uu bilaabi doono mashaariic cusub oo uu dab kaga dhalinayo Awooda Nukliyeerka (Nuclear Power) si looga baxo baahida xaga dab yaraanta. Awooda Nukliyeerka, waxaa laga dhalin karaa koronto awood badan, taasi oo abuuri karta Koronto dheeraad ah oo aynu dalalka jaarka u dhoofin karno, isla markaana kor u qaadaysa dhaqaalaha dalka Masar ayuu raaciyay Morsi oo sii sharaxaya faiidada dabka laga dhaliyo Awooda nukliyeerka.

Qaybo badan oo ka mid ah shacabka Masaaridu ma awoodaan in ay iibsadaan Furinta (Rootida) waxayse safaf u galaan goobaha lagu iibiyo Furinka (Rootida) ay dawladu ay kabto si shacabka qiimo jaban loogaga iibiyo. Al-Sisi oo wax laga waydiiyay sida dhibkaasi uu uga saarayo shacabka Masaarida wuxuu ku jawaabay “In uu shacabka & Qoysaska Masaarida waydiisan doono in ay yareeyaan wakhtiyada ay wax cunoon oo ay hal wakhti ka boodaan (waxba cunin), si ay u kaydsadaan cunto hal wakhti ah. Al-Sisi wuxuu ku dooday “Hadii 25 Milyan oo qoys ay kaydiyaan cunto hawl wakhti (Furin hal wakhti), tani waxay 25 milyan oo furin ah siin doontaa kuwo aan wax ba haysan”.

Dhinaca kale markii arintaasi Morsi wax laga waydiiyay sida uu shacabka uga saarayo, wuxuu yidhi qorshahayagu waxa weeye in aanu kordhino waxsoosaarka Qamandiga oo furin ka laga sameeyo; wuxuu soo jeediyay in dhul ay ka kiraysan doonaan Suudaan iyo Ethiopia si Qamandi badan looga beero. Qorshihiisu wuxuu ahaa in dalka Masar uu isku filaansho ka gaadho dhinaca wax soosaarka Qamandiga (Wheat) muddo Afar Sanadood ah gudahood.

Qalalaasihii afgambigu keenay wuxuu sababay in hoos u dhac baaxad wayni ku yimaado Dalxiiskii iyo Maal galintii shisheeyaha ee dalka Masar, waxaa yaraaday lacagtii adkayd ee dalka Masar soo galaysay iyo kaydkiiba, si taasi loo xaliyo Al-Sisi wuxuu soo jeediyay in shacabka Masaarida ee ku nool qurbuhu qofkiiba uu $10 ugu deeqo dalkiisa bishiiba. Taa badalkeeda Madaxweyne Morsi xalkiisu wuxuu ahaa in la kordhiyo lacagta adeega ee dhamaan Maraakiibta mara Suways Canal ka (Suez Canal).

Qorshaha Al-Sisi ee xalka Shaqo la’aanta oo gaadhay heer aad u xun wuxuu ahaa in la sameeyo goobo yar yar oo dhalinyaradu ay ku iibiyaan khudaarta iyo waxyaabaha yar yar ee quutal daruuriga ah si xal loogu helo shaqo la’aanta baahday. Dr. Morsi, waxaa isaga u qorshaysnayd in la bauuro mashaariic yar yar oo kor loogu qaadayo dhaqaalaha bulshada isla markaana shaqo lagu abuurayo, sida, in laga sameeyo dalka Masar goobo lagu diyaariyo/xidhxidho qaybaha Computerada & Televisionada (Assembling Computers & Televisions) iyo in sidoo kale la sameeyo mashaariic waaweeyn oo lagu horumarinayo kanaalka Zuwayska iyo kuwo kale oo shaqo abuur baaxad leh samayn kara. Wuxuu intaasi ku daray Morsi in mashaariicda Zuways kanalku kaliya aanay kordhinayn dhaqaalaha dalka bal se uu abuurayo shaqooyin badan.

Dhinaca Siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga, Al-Sisi waxaa la waydiiyay halka uu ka taagan yahay Heshiiskii Camp David ee Israel, wuxuu yidhi waxaan ilaalin doonaa heshiiskaasi, anigoo la shaqaynaya Israel si loo ilaaliyo xuduudaha. Markii Dr. Morsi la waydiiyay, wuxuu yidhi dalka Masar waa dal u hogaasan/ilaalinaya qawaaniinta caalamiga ah, marka ay, dhinac yada kale ilaaliyaan qawaaniintaasi, suuro gal se ma ahan in “SHAN milyan oo qof meel walba ha joogaane in ay warwar iyo baqdin ku abuuraan SAGAASHAN Milyan”.

Kala duwanaanshaha sida ay wax u arkaan iyo hiraal ka labadan hogaamiye waxay fure u tahay sida ay u xalinayaan carqaladaha dalka iyo shacabka Masar ay wajahayaan.

Halka Al-Sisi uu doonayo in uu ku maamulo dhaqaalaha dalka Masar xalal ku meel gaadh ah, Hiraalka Morsi wuxuu ahaa in uu arimahaasi xaliyo una helo xalal waara oo aan ku meel gaadh ahayn. “Waa in aanu soo saarnaa Cuntadayada, dawadayada iyo hubkayagaba” ayuu ku dooday Madaxweyne Mohammed Morsi wakhtiyadii uu ku jiray ololaha Madaxtinimada. Siyaasadda dhaqaalaha ee Al-Sisi wakhtigii ololaha way  adkayd in la fahmo, waayo ma haysan siyaasad cad oo ku wajahan kobcinta dhaqaalaha dalka Masar.

Ka hor xilka Madaxweynenimo

Waa kuwama labada hogaamiye (Morsi iyo Al-Sisi), siday ahayd noloshoodu ka hor intii aanay soo galin Siyaasadda Dalka Masar? Mohammed Mohammed Morsi Issa El-Ayaat wuxu dhashay 1951; wuxuu shahaadada koowaad iyo labaad ee tacliinta sare ku bartay Engineernimada Jaamacadda Qaahira, intii aanu u tagin dalka Maraykanka dhamaystirka shahaadadiisa sare ee PHD oo ku qaatay Jaamacada Southern California, 1982. Morsi wuxuu wax ka dhigay laba Jaamacadood oo dalka maraykanka ka hor intii aanu ku soo noqon dalka Masar, Jaamacadaasi oo uu gaadhay Darajada Professor iyo Hormuudka Kuliyada Engineer-nimada ee Jaamacadaa Al-Zaqaziq.

Madaxweyne Morsi, wuxuu sidoo kale ka qayb qaatay siyaasadda dalka Masar isagoo ahaa xubin firfircoon oo ururka AKhwaanal Muslimiin ah (Muslim Brotherhood), isagoo noqday Afhayeenka Baarlamanka Masar doorashadii uu ku guulaystay ee 2000. Waxaa loo doortay in uu noqday shaqsiga ugu kartida badnaa baarlamankii 2000-2005. 2011, Morsi wuxuu noqday hogaamiyaha xisbiga xoriyada iyo cadaalada (FJP: Freedom and Justice Party), oo ahaa qaybta siyaasadda ee ururka Muslimiinta walaaloowday, waxaa loo doortay xubin Baarlamaan 2012; isagoo iska casilay ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee dalka Masar isla sanadkaasi.

Abdel Fatah Saeed Hussein Khaleel Al-Sisi, wuxuu dhashay 1954, wuxuu ka tirsanaa ciidamada infantariga ee dalka Masar ka dib markii uu ka qalin jabiyay Akadamiga milatariga sanadkii 1977. Wuxuu waxbarasho ku soo qaatay Wartime Military College ee dalka Maraykan 2006, waxa loo magacaabay la taliyaha arrimaha Ciidamada ee safaaradii dalka Masar ku lahayd Boqortooyada Sucuudiga. In kastoo aanu dagaal na ka soo qayb qaadan, hadana, Al-Sisi dalacsiimo badan ayuu ku dhex helay ciidanka isagoo qabtay xilal badan, sida hogaamiyaha qaybta Infantariga iyo hogaanka ciidanka ee Alexandria. Wuxuu ahaa madaxa Sirdoonka ee ciidanka ka hor intii aanu Madaxweyne Morsi u magacaabin Wasiirka Difaaca dalka Masar. Al-Sisi bulshadu ma aysan u lahayn aqoon dheeraada ka hor magacaabidii Morsi ee wasiirnimada August 2012.

Doorashadii iyo shaac bixidii labada hogaamiye

Guushii Madaxweyne Morsi ee doorashadii Madaxtooyada ee 2012 waxay ahayd guul ay keentay kacdoonkii 25 January Hosni Mubarik Xilka lagaga tuuray, taasi oo dhalisay guul dimuquraadi ah oo dalka Masar ka hano qaaday. Kacdoonkii 25 January wuxuu caan ku noqday Midawgii iyo midnimadii uu dhex dhigay bulshada Masaarida ah, guushiisii 5 jeer oo codbixineed waxay tilmaan u ahayd in bulshadu midawday isla markaana ay dooranayaan hogaamiyaha ay rabaan in uu hogaamiyo. Halka doorashadii dambe ee Al-Sisi ay timi ka dib inqilaabkii dhiiga badan ku daatay oo galaaftay nolosha in ka badan 8000 oo qof iyo in xabsiyada lagu guro 44,000 qof oo rag, dumar iyo caruur ba leh iyo burburinta guulihii Kacdoonkii 25 Janaayo.

Dhinaca kale, doorashadii 2012 waxay u furnayd dhamaan muwaadintiinta Masar, iyadoo ay ka qayb galeen in ka badan 13 musharax, halka doorashadan 2012 la arkay HAL musharax oo ka soo hor jeeday Al-Sisi. Al-Sisi waa ku guulaystay doorashadii, dabcan, doorashadan oo xusuus u ah xaaladaha kali-talisnimo ee doorashooyinku ku qabsoomaan, taasi oo gayaysiisay Al-Sisi in uu doorashadii helo 96% codadka natiijadaasi oo timi ka dib markii la kordhiyay mudadii loo qorsheeyey in shacabku codeeyaan diidmo ka timi bulshada Masar awgeed.

Kooxo badan oo dabada ka riixayay inqilaabkii Al-Sisi iyo kooxo ka soo hor jeeday muslimiinta Walaaloobay waxay diideen in ay dabaal dagaan 30 June (Kacdoonkii), sida dhaqdhaqaaqii 6da April iyo Xisbiga Salafi Nour, taasi oo jawaab u ahayd dhaqanada cusub ee kooxda inqilaabka iyo in xisbiyadii laga saaray in ay u tartamaan doorashooyinka 2014, iyo sabab kale oo ahayd in doorashadan 2014 ay qaybisay dadkii Masaarida ahaa oo midaysnaa sanad ka hor, waxay ku doodayaan dhamaan guulihii kacdoonku waa guul daraysteen mudadan Al-Sisi, sidaasi daraadeed sababo loo dabaal dagaa ma jiraan, halka kooxo kale ay saadaaalinayaan in KACDOON 3AAD uu ka bilaabmi doono dalka Masar dhawaan.

Madaxweyne Morsi wuxuu helay sumcad iyo caannimo aad u balaadhan markii uu soo galay shaqada dawlada, taasi waxa kor u sii qaaday dhaqankiisa aan isla weyneyn ee dhex galaya bulshada. Ka dib doorashadiisii, Madaxweyne Mohammed Morsi wuxuu ku sii jiray gurigiisii uu hore u degenaa ee kirada ahaa, wuxuu mushahar ahaaan u qaadanayay $1,650 bishii. Wuxuu la kulmi jiray xubno ka tirsan dadweynaha Masaarida ah, waana kula tukan jiray masaajidada bulshada ee Qaahira ku yaala. Markii uu la hadlayay dadweynaha ku sugan Tahriir Square ka dib guushiisii, iyo markasta oo uu bulsho badan dhex galaba wuxuu diidi jiray in ilaaliyayaashiisu (Bodyguards) noqdaan kuwo u dhexeeya isaga iyo bulshadiisa uu ku dhex sugan yahay. Madaxweyne Al-Sisi marna ma uu dhex galin, meel ay shacabka Masar isugu yimaadeena kalama hadal, isagoo u cabsanaya naftiisa, xataa wakhtigan uu orod ka ugu jiray xilka Madaxtinimo.

General Al-Sisi wuxuu ku koobnaa inuu iska soo duubo waraysiyo la sii diyaariyay kaasi oo ay samaynayeen kooxo la soo xulay oo ku samaynayay goobaha uu ku sugan yahay ee uu dagan yahay. Wuxuu ka dhigay tartankiisa doorashada mid SIR ah. Waxa kaabayay oo soo shaac saarayay televisionka dawladu leedahay kaliya, kaasi oo xataa gaadhsiiyay in uu Al-Sisi barbar dhigo Madaxweyne Jamal Abdinasir (Madaxweynihii hore ee dalka Masar) kana dhigay halyey usoo baxay dalka Masar.

Is barbar dhiga Guulihii Morsi iyo Al-Sisi

365 maalmood ee uu Awooda dalka Masar gacanta ku hayay Madaxweyne Al-Sisi waxaa la arkay tacadiyo badan oo laga galayo xuquuqda muwaadiniinta shacabka Masar. Waxaa noloshoodii waayay 8000 oo qof halka ay 20,000 dhaawac noqdeen inta xogtooda la helay, iyadoo oo uu maamulku adeegsaday qaar ka mid h saxaafa iyo waliba hogaamiyayaal islaamiya oo taageeray inqilaabka Al-Sisi, iyagoo u doodaya hogaamiye Al-Sisi iyo inqilaabka dhiiga badani ku daatay. Mudadaasi uu hogaamiyay Masar Al-Sisi waxaa kale oo la arkay kutumasho badan oo dhinaca xoriyatul qawlk ah iyadoo jeelasha dalka Masar ay buux dhaafiyeen in ka badan 44,000 oo u xidhan arrimo siyaasadeed, waxaa ka mid ah 48 Suxufi, iyadoo in badan oo ka mid ah dadkaasi xidhan lagu xukumay DIL toogasho ah iyo sanado badan oo xadhig ah.

Ka dib inqilaabkii, Masar waxay ku waabariisatay xidhitaanka janalada telefishanada, xidhitaanka wargaysyada iyo xabsi u taxaabida suxufiyiinta iyo ardayda Masar ee Jaamacaddaha ku jira. Dalka Masar wuxuu hada ku jiraa 48 ka wadan ee aanay ka jirin wax xoriyatul qawl ah sida ay sheegtay Freedom House, sidoo kale aan lahayn xoriyad dhinaca saxaafada ah, xoriyad dhinaca siyaasadda ah, iyo gacan bir ah oo lagu hayo shacabka Masar. Masar haatan ka ma jiraan ururo wadaniyiin ah oo si nabad ah u dhisani mana jirto madax banaani waaxda cadaalada iyo shuruucda ahi. Masar waxay dib u noqotay dawlad Bilays iyo Milatari ku salaysan oo gacan adag ku haysa bulshada Masar, dhamaan xarumaha dawlada waxa gacanta ku haya milatariga dalka Masar.

Wakhtigii Mohamed Morsi uu maamulka Masar gacanta ku hayay, inkastoo ay dhaceen in ka badan 30 mudaharaad oo baaxad weyni, hadana ma dhicin hal arin oo qalalaase dhimasho keenay. Wuxuu madaxweyne Mursi joojiyay sharcigii xadidayay cabirka fikirka xorta ah, kaasi oo mamnuuc ka dhigayay in fikir xor ah shacabku cabiraan, sidoo kale ma dhicin cid loo xidhay arrimo siyaasadeed intii Morsi Maamulka hayay. Tirada DALXIISAYAASHII dalka Masar imanayay aad ayay u korodhay mudadii Morsi, iyadoo Masar ay yimaadeen dalxiisayaal ka badan Todoba Milyan oo dalxiise 6dii bilood ee u horeeyey 2013, taasi oo dhaqaalaha dalka Masar ku soo kordhisay $5 Million oo dollar ka Maraykanka.

Ka dib inqilaabkii iyo xasuuqii August ka dhacay dalka Masar, wuxuu hoos u dhac dhan 30% ku riday dalxiisayaashii imanayay dalka Masar iyadoo dalxiis kaasi meesha ka baxay ka dib rabshadihii keenay in dhiig badan ka daato magaaladda Qaahira.

Madaxweyne Morsi wuxuu la kulmay Madax badan oo caalamka ka tirsan gudaha iyo dibadda dalka Masar ba. Wuxuu ka qayb galay kulankii dawladaha Africa halkaasi oo si heer sare ah oo tixgalin leh loogu soo dhaweeyey, lana fadhiisiyay Safka u horeeya. Laba cisho ka dib markii uu dhacay inqilaabkii Milatarigu ee 2013, Gollaha Nabada iyo Amaanka ee ururka Africa waxay xubinimadii ka hakiyeen dalka Masar. Waxaa dib loo aqbalay xubinimadii iyadoo caga jiid ku jiro ka dib markii Al-Sisi loo doortay Madaxwyne, iyadoo ay jiraan Liisas dhan oo ay ku taxan yihiin dhibaatooyinka xuquuqda bani’aadamka ee uu ku tuntay. Kulankii u dambeeyey ee urur ka Africa, Madaxweyne Al-Sisi waxa la fadhiisiyay Safka Saddexaad taasi oo muujinaysa tixgalinta uu ku dhex haysto wadama Africa in aanay ahayn mid qiimo leh.

Taariikhdaa ka Garsoori

Shacabka dalka, dhaqaalaha, amaanka iyo xoriyada shakhsiga ahi waa waxyaabaha muhiimada gaarka ah u leh. Sanadkii u dambeeyey ee Al-Sisi waxaa la arkayaa in dhamaan xuquuqdaasi burburtay isla markaa gaadhay meel aanay waligeed gaadhin.

Iyadoo shacabka dalka Masar ay soomayaan bisha barakaysan ee Ramadan, waxay wajahayaan dhibaatooyin faro badan, waxa kordhay qiimaha maceeshada, iyo waayitaanka korontada iyadoo ay jiraan kulaylkii Xagaagu. Waa hubaal, Ramadan waxay ugu soo gashay shicibka Masar xaalad adag, sharciyo cusub oo xadidaya xoriyatul qawlka iyo xataa habka cibaadada ee shicibka. Boqolaal Masjid ayaa albaabada loo laabay, kuwa furana waxaa la waydiiyaa Aqoonsiyo dadka ku tukanaya, waxaa sidoo kale la soo gaabiyay Taraawiixdii.

Telefishanka dawlada Masar wuxuu habeen iyo maalin soo daayaaa riwaayado ka badan 30 cusub oo lagu jeedinayo shacabka Masar. Mar uun ma ka soo kici doonaan shicibka Masar hurdada ay galeen, ma eegi doonaan waxay noqotay Masar, ma ku biiri doonaan mucaaridka? Wakhtiga iyo taariikhda ayaa sheegi doonta.

Dr. Ramadan, waxay ku soo gabogabaysay qoraalkeeda, Madaxweyne Mohammed Morsi ma noqon karto wuxuu ahaa hogaamiye sax ah, waxaa suuro gal ah in uu sameeyey khaladaad faro badan, waxayse ahayd sabab la’aan in wadanku ku noqdo hal sano gudahood halkii uu taagnaa LIXDAN sanadood oo xukun diktaatoooriyad ahi ka jiray dalka MASAR. Ka dib marka dib loo eego guulaha sanadkii tagay ee maamulka Al-Sisi, ma jiraa qof si daacada, u sheegaya in ay wali taageersan yihiin inqilaabkii? Ayay ku soo koobtay Dr Ramadan qoraalkeeda ay isku barbar dhigaysay hal sanoo Morsi xukumayay Masar iyo hal ka sano ee dhamaaday ee AL-Sisi uu ka talinaayay dalka Masar. Qoraalkaasi waxay Dr Ramadan ku qortay majalada Middle east monitor.

W/Q: Cabdirashid Ibraahim

Hargeysa, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid