Yaa maamula Villa SOMALIA?: Xaqiiqda waxa madaxtooyada dalka ka socda

Waa laba nin oo siyaasadda dalka meel xun ka riday. Cabdikariim Xuseen Guleed oo amnigii dalka la degay iyo Faarax Cabdulqaadir Faarax “Sakiin” oo cadaaladii dalka qar ka tuuray welina ku magaacaban Wasiirka Madaxtooyada iyo Waasiirka Cadaaladda asaga oo weli ka arrimiya Madaxtooyada uu rabo hadeer inuu bedelo Agaasimaha Guud ee ku meel gaarka ah Thabit Cabdi oo runti hawl wacan qabtay. Waxaa qorshihiisu yahay in uu booska keensado nin qurbo jog Mareeykan ka yimid oo Cali Balcad lagu magacaabo oo uu Faarax u maamulan karo siduu doono, taas oo keeni doonta in talada dalka hogaankeeda maalin cad la wareego. Nasib daro waxaa halkaas ku lumay Cadaaladdii iyo Nabadgelyadii la sugaayey.

Faarax iyo Cabdikariim xoolo ku filan way heleen marka la xisaabo lacagaha Emirates, Qatar Fund, FPEN, SIMAD iyo shirkadaha dhismaha iyo qalabeynta ay gaar u leeyahiin iyo Daaraha dheer dheer oo ay Xamar ka dhisanayaan. Markani waa inay booska baneyaan si loo helo dad dalka jecel oo wax u qabta. Waxaa cadaatay haddii aan Soomaali nahay marka horeba inaan dad xun nahay oo xaasid ah oo aan is jecleyn oo is quursada waxna aan isku ogoleyn ama isu cafin.

Waxaa dalkeena ku habsaday madax aan masuuliyad iyo wadaniyad lahayn oo xoolo uruursi iyo nin jecleysi ku shaqeeyso iyo balaayada ugu tunka wayn ee Qabyaaladda la yiraahdo. Dawladii ugu dambeysay ee KMG ahayd Nin Shariif Xasan”Sakiin” la yiraahdo oo isna ka ag dhowaa Madaxweynahii xiligaas Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa dalka bohol ku riday oo musuq maasuq lamabarka dunida ugu dambeeya gaarsiiyey Soomaaliya inay noqoto.

Tan hadda jirtana nin la yiraah Faarax Cabdilqaadir “Sakiin” ayaa gobolaysi qabiil iyo cadaalad darro dalka geliyey iyo inuu mar walba jecel in asaga laga amar qaato dhanka Agaasinka madaxtooyada. Wuxuu Baarlamaanka ku tilmaamay furahooda inay lacag tahay. Baarlamaanku way ku saxsan yahay xilligaan inay afti ka keenaan ninka oo yiraahdo Faarax Cabdulqaadir oo la shaqeyaa hay’ado sir ah oo dalal aan deris la nahay iyo kuwo carbeed laga leeyahay.

Waxaa ayaan daro ah in markii Xasan Sheikh loo dooratay Madaxweyne Soomaaliyeed in dadku ku taamayeen in dawlad wanaagsan la helay. Nasiib darro labada nin ee kor ku magacaaban ayaa bohol tii hore ka daran dalka geliyey . Cadaalad daro iyo Amnigii oo faraha ka baxay. Maleesho beeleed boliis iyo ciidan laga dhigay oo weligood wax xalaal ah aan cunin iyo madax aan aqoon lahayn oo xoolo uruursi u joogo inay xawilaadaha wax ay dhaceen dibedda ugu dirsadaan ama Ganacsato xaraan ku noolayaal ah wax ku darsadaan. Cadaaladdii oo lagu riday god dheer. Guddi cadaalad oo aan lala tashan, sharciyo la horgeeyo barlamaanka ayada oo gudiyadii cadaaladda ka manaqishoon iyo xeerka Federaalka oo lamarin habaabiyo ayada oo aan wasaaraddii ku shaqada lahayd lagala tashan.

Wasaaradda Cadaaladda waxay ku daadashay in dadkii masaakinta aha ee Xamar nolosha uu soo doontay IDP’s (Internally Displaced People) in la kala eryo oo ay qaar Xamar Gaajo iyo macluul ugu dhimanayaan. Xoolaha yaboohda ah oo dalalka Saxiibada Somaaliya siiyeen oo masakiinta loogu tala galayna in Ganacsato suuqo ku iibiso ayada oo dad masakiin ahi macluul ugu dhimanayaan. Waxuu ku yiri Wasiirka cadaaladda dadkii dalka u soo gurmaday inay masakiinta cawimaan halkan wax masakiin ma joogto ee ee waa dad mashaqeysteyaal ah.

Arrimaha Federaalka. Wuxuu Ethiopia ku saxiixay heshiis Jubaland la yiraah oo aan afti loo qaadin oo aan dadka Gobolada deggan lagala tashan. Wuxuu taageeray heeshiis 3 Gobol la yiraahdo oo aan laga fiirsan inay goboladaas is raaci karaan. Wuxuu ku masquul sanyahay in Hiiraan iyo Shabeelad Dhexe laysku daro iyo in Mudug iyo Galgaduud laysku daro si maamul goboleedyo loo helo oo u dhigma Puntland iyo Somaliland. Taas oo dalka ka sameynayso 6 Land oo qabiil ku salaysan oo aan weligood heshiinin si wadamada deriska ah garwadeen ugu noqdaan siyaasadda dalka sabtoo ah Soomalidu ayaga ayaan is jecleyn dhexdooda oo Allah Subxaana Wa Tacaala ku maneystay dhul qani ah iyo dad aan tiro badneyn. Waxaan filaynaa in isku shaandheynta golaha Wasiiradda lagu soo darin kol ka dhow Cabdikariim iyo Faarax oo aan wax sumcad ah ku dhex lahayn Umadda ay metalaan.

W/Q: Jaamac Maxamed Nuur ED PHD
Springfield, Massachusetts

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid