Qadar oo Imaaraadka uga digtay laba arrin oo halis galinkarta Rajada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa Imaaraadka Carabta uga digtay inay ka faa’iideysato itaal darada heysata Dowlada Somalia oo iminka kasoo kabaneysa burburka daashaday.

Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ayaa digniintiisa ku sheegay mid ku xeeran dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee Imaaraadka ak dhexwado Somalia ee lagu carqaladeynaayo Siyaasada qunyar socodka.

Waxa uu Mr Sheekh Tamim bin Xamad sheegay in Somalia aysan ka bixi Karin faragalin shisheeye waxa uuna ku taliyay in dowlada Imaaraadka aysan ka dhex faa’iideysan dhibaatooyinka ka jira Somalia.

Sheekh Tamim bin Xamad, waxa uu sheegay in faragalinta Imaaraadka ee Samalia ay sababi karto laba arrin oo halis galinkarta Rajada Somalia sida:

1-Burbur Siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalata Somalia, waxa uuna taa ku sheegay inay saameyn karto dalalka dariska la’ah Somalia ee iminka nabdoon.

2-Hoos u dhac ku imaada heerkii laga filaayay Somalia oo la jaanqaada dalalka dhigeeda ah, taa oo uu Sheekh Tamim bin Xamad ku micneeyay mid xanuunjin karta dowldaha kaalinta ka qaadanaayay kabashada Somalia.

Sheekh Tamim bin Xamad, waxa uu tilmaamay in faragalinta Imaaraadka Carabta ay tahay mid qaawan oo leysaga horgeynaayo muxaafid iyo mucaaradka, waxa uuna ka digay in rajo beel lagu rido Somalia.

Dowlada Qadar ayaa garabsi Siyaasadeed ku heysata Somalia taa oo bilaabatay tan iyo wixii ka danbeeyay go’aankii ay Somalia ka qaadatay xiisada Khaliijka.

Docda kale, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ayaa Madaxda Qaranka iyo dhinacyada mucaaradka ugu baaqay wadahadal si loo dhammeeyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com