Abaarta iyo dagaalka ayaa ku kordhaya Somaliya 2018, ACAPS

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adaha gargaarka Caalamka ayaa sheegaya in sanadka 2018ka uu kordhayo dagaalka iyo abaarta ka jirta Waddamo badan oo Caalamka ah.

Hay’adda ACAPS oo sameysa sahanka iyo cilmi baarista fadhigeeduna yahay Geneva ayaa sheegtay in qiyaastooda wixii ay ka barteen 2017 ay u muujineyso in sanadka 2018 uu yahay sanad kale oo muro wata kaas oo ay sii kordhi doonaan ABaarta iyo dagaallada.

Hay’adda waxaa ay sheegtay in dalalka Afghanistan, Democratic Republic of Congo, Libya, Ethiopia, Mali, Somalia, iyo  Syria ay dagaallada iyo abaaraha ku sii kordhi doonaan.

Lars Peter Nissen, oo ah Agaasimaha Hay’adda ACAPS ayaa sheegay in rajada jirta ay ka yartahay dhibaatada la filayo in ay dhacdo 2018ka waxaana uu xusay in meelaha qaar laga yaabo in ay xoogaa hagaagaan.

Warbixintu waxaa ay sheegtay in Itoobiya ay ku biiri doonto Waqooyiga Nigeria , Somalia, South Sudan  iyo  Yemen, marka loo eego saadaasha abaarta ka jirta dalalkaas iyo kuwa 2018ka.

Dalalka kala ah  Afghanistan, Iraq, Libya, South Sudan iyo Venezuela, doorashooyin ka dhacaya 2018ka ayaa la filayaa in ay ka dhashaan khilaaf isu beddela gacan kahadal sababa abaar iyo dagaal sokeeye taas oo xaaladda uga sii dari karta Sanadkan 2018ka.

Dalka DRC ayaa la sheegayaa in xaaladdiisa ay halis ku jirto kaddib markii Madaxweyne Joseph Kabila oo uu waqtigiisa dhamaaday December 2016 diiday in uu ka dego xafiiska ilaa sanadka 2019ka.

Rabshado hadda ka billowday dalkaas ayaa waxaa ku dhintay tiro dad ah iyada oo Qramaada Midoobeyna ay ku baaqday in uu xafiiska banneeyo si uusan dalka u gelin xaalad kale oo halis badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com