Qadar oo ku dhowaaqday go’aan ay SOMALIA…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday Dowlada Qadar ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladu ay sii laba jibaareyso xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Warbixnta ayaa waxaa lagu sheegay in Qadar ay dusha saaran doonto Tayaynta ciidamada, kabida dhaqaalaha ciidamada, Siyaasada DFS, Horumarka iyo inay xoojin doonto xiriirkeeda si Qadar iyo Somalia ay isugu milmaan.

Warbixinta Qadar waxaa lagu sheegay in Somalia ay ka bogsaneyso burburkii dhowrka sano ka taagnaa Somalia, waxa ayna tilmaantay in kaalinta Qadar ay ka dhiman tahay koboca Somalia, balse dhawaan ay muujin doonto kaalinteeda.

”Dowlada Qadar waxa ay muujin doontaa taageero ay ku faraxdo Somalia. waxaan xooga saari doonaa Tababarada ciidamada, Horumarka dhanka dhaqaale, Siyaasada iyo dhinacyada aan u aragno inay ka liidato Somalia”

”Si aan u xoojino xiriirka nagala dhexeeya Somalia waxaan Somalia ka hirgalineynaa mashaariic kala Duwan oo u badan dib u dhiska dalka”

Qadar ayaa kamid ah dawladaha Carbeed ee Taageerada dhinacyada kala duban siiya Dawlada Somaliya, waxaana labada dawladood ay leeyihiin Xiriir wanaagsan oo soo jireen ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com