27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Boorsaani oo joojiyey qorshihii Muungaab ee…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay yeesheen gudoomiyaasha degmooyinka iyo gudoomiyaha gobolka ayaa waxaa looga hadlay arimaha amaanka magaalada Muqdisho iyo sidii loo horumarin lahaa degmooyika gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray in la joojiyay nambar u sameyn laga waday guryaha ku yaala magaalada Muqdisho taasi oo la doonayo in dhaqaalo lagu qaado, arintaasi oo ay ku farxeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmooyinka gobolka oo aan wali la nambaro loo yeelin.

Afhayeenka maamulka gobolka oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in maamulka gobolka uu gaaray go’aanka ah in la joojiyo nambar yeelida guryaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa maamulka uu soo saaray in dib u habeyn lagu sameynayo Dhismaha Tarabuunka oo ah goob taariiqi ah, sida u sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale waxaa maamulka gobolka uu shaaciyay inuu sii wadi doono howlaha deriseynta ee laga sameynayay xaafadaha magaalada Muqdisho, taasi oo laga leeyahay ujeedo ah in amaanka lagu adkeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News