Maamul goboleed ka dhan ah Axmed Madobe oo beelaha Jubooyinka ay ku dhowaaqeen + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay maamul la baxay Jubba Ganaane State oo la sheegay inay dhisteen dadka Jubbooyinka, waxaana madaxweyne loogu doortay C/llaahi Xasan Cali.

Maamulkan ayaa la sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dadweynaha Jubbooyinka ay u heli lahaayeen maamul cadaalad ah, waxaana madaxweynaha maamulkan cusub uu khudbad ka jeediyay shirka isagoo faahfaahin ka bixiyay qorshihiisa

Maamulkan ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay degmooyinka: JILIB. JAMAAME, CEELWAAQ, BAARDHEERE, LUUQ, KISMAAYO, BUAALE, YURKUD IYO SALAGLEEY.

Xafladii looga dhawaaqay maamulkan waxaa ka dhex nuuqday xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyagoo hambalyo u diray maamulkan cusub.

Dhismaha Maamulkan ayaa soo baxay iyadoo ay Muqdisho ku shirayeen madaxweynayaasha Jubba Axmed Madoobe iyo K/Galbeed Shariif Xasan wuxuuna u muuqdaa inuu la mid yahay maamulka Bakool sare.