XOG: Muxuu CCC Sharma’arke u diiday ka qeyb galka furitaanka garoonka cusub ee Boosaaso?

Boosaaso  (Caasimada Online) – Warar xog ogaal ah ayaa ka soo baxaya qaabkii uu Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uga baaqday xafladii furitaanka Garoonka cusub ee magaalada Boosaaso oo la filayay inuu ka mid noqdo madaxda ka qeyb galeysa furitaanka Garoonka Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid uu olole u galay in garoonka loogu magac daro aabihii Cabdrashiid Cali Sharma’arke, taasoo socon weyday markii dood badan ka dhalatay magaca loo bixinayo iyadoo miiska la soo saaray ilaa shan magac in la kala doorto kuwaasoo ay ka mid yihiin:

1 – Bender Qaasim oo ahaa magaciisii hore inta aan la dhisin
2 – Cabdirashiid Cali Sharma’arke
3 – Boqor Cusmaan

Markii lagu heshiin waayay magacii loo bixin lahaa garoonka oo Cumar C/rashiid ay u cadaatay in garoonka loogu magac darayo magaalada Boosaaso ayaa la sheegay inuu aad uga carooday isla markaana uu ka baaqsaday tegista magaalada Boosaaso daqiiqadihii ugu danbeeyay ee safarkiisa oo uu isu diyaariyay, wuxuuna taas bedelkeed shir guddoomiyay Khamiistii shirkii Golaha wasiirada isagoo Muqdisho ku haray..

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com