Wararkii ugu dambeeyay ee shirka KISMAAYO..!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa xalay ilaa shalay ka dhacayay shirar gaar gaar ah oo u dhaxeeyay madaxda maamul goboleedyada, gaar ahaan C/welli Gaas iyo C/kariin Guuleed.

Shirarkaasi ayaa waxaa goobkoog ka ah madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe waxaana diirada lagu saaray sidii loosii dhameystiri lahaa hishiiskiii magaalada Gaalkacyo.

C/welli Gaas iyo C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa shirkooda waxaa la iskula soo hadal qaaday sidii loo dhameyn lahaa xiisadihii colaadeed ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo lana dhameeyo xiisadaha gobolka.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Kismaayo la filayaa inuu ka furmo shirka madasha wadatashiga Qaran ee looga hadlayo nooca doorashada ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadkaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa maanta qeyb ka noqonaya masuuliyiinta ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo uu kamid yahay wasiirka arimaha dibada dowlada Ethiopia.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in laga shaki qabo inuu dib u dhac ku yimaado shirka magaalada Kismaayo, sababo la xiriiro isfaham waa wali ka dhex taagan madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Kismaayo.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo 

Caasimada@live.ocm