Xog: C/W Gaas iyo Axmed Madoobe oo taageero ka helay C/kariin Guuleed iyo Sharif Xasan oo…

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in hishiis hoose uu dhexmaray madaxweynaha maamulka Galmudug iyo Puntland kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in kulan xalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo u dhaxeeyay labada madaxweyne ay isla garteen in hab deegaan ku qancaan reer Galmudug in lagu soo doorto xildhibaanada sanadkan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha maamulka Galmudug uu aqbalay soo jeedinta ah in hab deegaan lagu soo xulo xildhibaanada dowlada lasoo dhisayo marka xilka dowlada haatan jirta uu idlaado.

Sidoo kale waxaa ilo xog ogaal ah inoo sheegayaan in  Guuleed uu kamid noqday isbaheysiga Madaxweynaha Jubbaland iyo Puntland, wallow madaxweyne Guuleed uu saaxiibdhow la yahay madaxweynaha Soomaaliya.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in la isla gartay in xildhibaanada ka imaanaya beelaha kale ee aan laheyn deegaano badan ay kusoo laabtan xildhibaanada ay haatan baarlamaanka Soomaaliya ku leeyihiin.

Wasiirka arimaha dibada Ethiopia, wakiilka urur goboleedka IGAD iyo xubno kale oo ka socda beesha caalamka ayaa ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka JUbbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com