Jaamacada Carabta oo u hiilisay Saudi Arabia iyo Iraan oo markii ugu horreysay carootay (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay Qaahiro ku yeesheen Madaxda Jaamacada Carabta ayaa waxaa looga wada hadlay xiisada ka dhexeysa dalalka Sacuudiga iyo Iraan.

Shirka ayaa waxaa Khudbado kala duwan ka jeediyay Wasiirada Arrimaha Dibadda oo uu ugu horeeyay Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Jaamacadda Carabta oo sheegay in xiisadu tahay mid gacan ku rimis ah oo ay abuurayaan shaqsiyaad gaar ah oo daneynaayay Dagaal dhexmara Suniyiinta iyo Shiicada.

Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Jaamacadda Carabta waxa ay la saftay Dowlada Sacuudiga, kadib markii uu sheegay in Iraan ay daandaansi ku heyso Dowlada Sacuudiga.

Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Jaamacadda Carabta waxa ay isla shirka ku canbaareeyay Dowlada Iraan oo uu sheegay inay dooneyso dib usoo celinta dagaal diini ah.

Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Jaamacadda Carabta waxa ay tilmaamayn in Dowlada Sacuudiga ay xor u tahay inay daldasho muwaadinka dalkeeda u dhashay balse uusan garankarin sababta keentay in Iraan ay ka danqato daldalaadii ay Sacuudiga kula kacday Culimada shiicada ahaa.

Jaamacadda Carabta ayaa uga digtey Iran in ay faraha la gasho arrimaha dalalka kale.
Dhamaan dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa u codeeyey war murtiyeed laga soo saaray kulanka, marka laga reebo dalka Lubnaan oo ay xoog ku leeyihiin Ururka Iraan taageerto ee Xizbullaah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga Caadil al-Jubeyr ayaa mar kale ku celiyey in xiriirka Iiraan iyo Sucuudigu hagaagi karo haddii Iiraan faraha kala baxdo arrimaha gudaha ee Sucuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaradka Carabta Sheikh Cabdallah bin Zayed al-Nahyan oo isagu shir guddoominaayey ayaa yiri “Iran waa in ay go’aansataa nooca uu noqonaya dersikeedu”, isaga oo ku eedeeyey in ay taageerto argagixisada.

Dhanka kale, Natiijada kasoo baxday shirkaasi ayaa ahaa in Dowlada Iraan ay ku qaldan tahay ficilada iyo faragalinta ay ku heyso arrimaha dalka Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com