CC oo sheegay hadal xanuunjinaya Xasan Shiikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlaayay shirka ka furmaaya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in DFS ay muddo badan naawileysay shir ceynkaasi ah oo kulmin kara madaxda dalka oo idil.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa tilmaamay in shirka uu yahay mid intiisa badan ay maalmahaani danbe ku xalinayeen Shirar kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wuxuu Sharmaarke sheegay in DFS ay ka go’an tahay in shirka Kismaayo ay ka dhaliso natiijooyin ay ku farxaan shucuubta Soomaaliyeed kuwooda ku nool dalka iyo kuwa ku nool dalka dibadiisa.

Isaga oo arrinta shirka ka hadlaayay ayuu yiri ”DFS wey la soctaa baahida loo qabo in laga tanaasulo nidaamka 4.5, Xassan raali kuma aha in laga gudbo nidaamkaani waxa uu u arkaa in Somalia ay xal ugu jirto in lagu sii maamulo nidaamkaasi”

”DFS wey ku qasban tahay inay raali ku noqoto ka tanaasulida 4.5, waayo haddii intaa kasii badan aan ku adkeysano shirka iyo isku soo dhawaanshiyaha taagan gacanta ayuu ka baxayaa”

Ra’isul wasaare Cumar waxa uu tilmaamay in DFS ay dooneyso ku shaqeynta nidaamkaasi balse ay ka fagsan la’ dahay dalabyada kaga imaanaya dhanka maamul Goboleedyada dalka, taasina ay suuragalin doonto in arrintaani xal looga gaaro shirka ka furmaaya Kismaayo.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhowr jeer oo sii horeysay sheegay in DFS ay ku adag tahay inay ka tanaasusho aragtideeda ah in Somalia lagu sii maamulo nidaamka 4.5.

Xassan Sheekh ayaa ku doodaaya in Somalia aysan gaarin xili ay wax ku kala qeybsato nidaam deegaan waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in Somalia lagu sii maamuli doono 4.5.

Haddalka Cumar C/rashiid ayaa muujinaaya in DFS aysan isku fahmin ku dhaqanka 4.5 iyo in laga gudbo nidaamkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com