Shirkii Kismaayo oo laba sababood u baaqday..!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u dhac uu maanta ku yimid shirkii la filayay inuu maanta ka furmo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo looga hadlayo doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadkan.

Isaga oo BBC la hadlayay wasiirka arimaha gudaha maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa horey u sheegay in madaxdii la doonayay iney ka qeyb galaan shirka aysan dhameystirneen ayna jireen shirar gaar gaar ah oo u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada oo ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin hogaanka ugu sareeyo maamul goboleedyada dalka ayaa waxaa la sheegay in shirka maanta uu dib ugu dhacay sabab la xiriirta iyadoo aysan wali is fahmin hogaanada maamul goboledyada.

“sababaha dib u dhaca keeneysa ayaa ah inaaney soo dhamaan xubnihi shirku u dhaxeeyay”ayuu yiri Darwiish

Shirka ayaa waxaa la filayaa in beri uu ka furmo magaalada sida lagu sheegay qoral kasoo baxay maamulka Jubbaland, waxaana shirka laga soo saarayaa qoraalo lagu cadeynayo waxyaabaha kasoo baxa.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee shirka maanta uu u baaqday ayaa lagu sheegayaa iney tahay isfaham waaga ka dhex taagan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo hogaanka dalka oo qaarkood aysan tagin magalada Kismaayo.

Wakiilo ka socdo beesha caalamka iyo wasiirka arimaha dibada Ethiopia ayaa ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaana ay kulamo gaar gaar ah la leeyihiin madaxweynayaasha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com