XOG: Maxaa laga filan karaa shirka KISMAAYO?

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa rajo xumo ka muujiyay waxyaabaha kasoo bixi kara shirka ka dhacaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose kaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxda maamul goboleedyada.

Aqoonyahan Jaamac Maxamed, oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa dhaliilay madaxda Soomaalida shirka ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo, isaga oo ku tilmaamay mid aysan kasoo baxeynin natiijo ummada Soomaaliyeed wax tar u leh.

Aqoonyahanka wuxuu si adag kaga horyimid in shir aayaha Soomaaliya looga hadlayo ay goobjoog ka ahaadaan xubno ka socdo dalalka daneeya arimaha Soomaaliya,taasina ay keeni karto in loo meeriyo go’aanka sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay in madaxda Soomaaliyeed ee tagay magaalada Kismaayo aysan soo saari doonin go’aan ka duwan midkii ay kasoo saareen shirkii magaalada Muqdisho oo kaliya laga soo saaray qodobo kooban.

Shirka magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu shaacinayaa nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadkaan marka waqtiga uu ka dhamaado hayadaha dowliga ee haatan shaqeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com