Xasan Sheikh oo bahdilay mas’uuliyiin British ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu ka hor imaaday ballan ay la dhigteen Wufuud ka soctay Boqortooyada dalka Britain.

Wafdiga oo isugu jiray Taliyayaal iyo Saraakiil ka tirsanaa Wasaaradda Difaaca dalka Biritain ayaa waxa ay madaxweyne Xassan Sheekh ka dalbadeen inuu wakhti u helo si ay kala hadlaan arrimaha labada dal.

Codka wufuudaasi ayaa waxaa madaxweyne Xassan u gudbiyay Wasiirka Gaashaandhiga Somalia C/qaadir Diini, hayeeshee waxa uu madaxweyne Xassan ka caga jiiday inuu qaabilo wafdigaasi.

Xassan Sheekh ayaa ka cudur daartay inuu qaabilo Wafdiga isaga oo arrinkaasi sabab uga dhigay wakhti yari iyo in munaasab ay tahay in Wasiirka Gaashandhiga ay ka dhameystaan wixii la xiriira qorshaha socdaalkooda.

Madaxweyne Xassan ayaa ku andacooday inuusan heynin wakhti badan sidaa awgeedna aysan u saamaxeynin inuu wakhti siiyo Taliyayaasha iyo Saraakiisha ka socday dalka Britain.
Wasiir Diini ayaa Wufuudaasi u sheegay in madaxweyne Xassan uusan heynin wax wakhti ah, islamarkaana uu safar u yahay magaalada Kismaayo, sidaa awgeedna uu yahay mid ku mashquulsan arrimahaasi.

Diini waxa uu Wufuuda ku qanciyay wakhti la’aanta madaxweynaha heysata, waxa uuna tilmaamay in DFS ay diyaar u tahay in Wasaarada Gaashaandhiga Biritain ay la wadaagto arrimaha la xiriira Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa ku mashquulsan arrimaha shirka Kismaayo waxa uuna qaabilayaa wakiilada Beesha caalamka ka jooga Somalia si ay uga wada hadlaan shirka.

Dhanka kale, Xassan Sheekh ayaa horay looga bartay inuu ku degdego la kulanka wufuuda reer galbeedka balse waxa uu mudooyinkaani danbe noqday mid ka mashquula.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com