C/weli Sheikh oo weerar ku qaaday Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’isul wasaarihii hore ee Xukuumada Somalia C/wali Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay sida ay DFS u aaminsan tahay nidaamka 4.5.

C/wali Sheekh waxa uu sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh uu aaminsan yahay in ku dhaqanka nidaamkaasi uu ku gaari karo kursiga Qaranka.

C/wali Sheekh Axmed waxa uu tilmaamay in madxaweyne Xassan uu gabay taageeradii uu ka heystay Siyaasiyiinta iyo Bulshada Soomaaliyeed taasina ay ugu wacan tahay inuu ku adkeysto in Somalia ay dhaqan u yeelato nidaamka 4.5.

Xassan Sheekh ayuu sheegay inuu yahay mid daniiste ah islamarkaana aan u jeedin dhibaatooyinka heysta shacabka Soomaaliyeed waxa uuna farta ku goday in burburka hadda ka taagan Somalia uu mas’uul ka yahay Xassan Sheekh.

”Dadku wey arkaan xaqiiqda jirta aniguna waxaan cadeynayaa in Xassan Sheekh uu dhexda u xiranaayo in Somalia ay gasho burbur aan laga kabsan”

”Waa nasiib darro in raadinta kursiga aawgii loo carqaladeeyo nidaamka Somalia ay ku gaari laheyd horumarka”
C/wali Sheekh waxa uu cadeeyay in Somalia ay dhibta ka baxeyso goortii laga tanaasulo nidaamka 4.5.

Docda kale waxa uu umadda Soomaaliyeed ugu yeeray inay ka shaqeeyaan nidaamka Dowladnimo waxa uuna amaanay sida ay Soomaalidu ugu jilicsan yihiin Dowladnimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com