Filim dokumentari oo laga sameeyay Amin Camir

Muqdisho (Caasimada Online) – Filim documentry ah oo laga sameeyay farshaxanka caanka ah ee Amiin Caamir ayaa waxaa ku hadlayaa taariikh nololeedkii farshaxanka Amin Caamir.

Amiin Caamir oo hadda deggen waddanka Canada ayaa waxaa uu si qoto dheer uga sheekeeyay taariikhdiisa iyo habka uu ku soo galay farshaxanka.

Waxaa uu aad uga hadlay hagardaamada aay Itoobiya ku hayso in aay Soomaaliya u kala qeybiso gobolo yar-yar oo iyada hoostimadaada, sida aan haddaba wada aragno.

Amin Caamir ayaa aad u dhaliilay siyaasad xumada waddanka ka jirta iyo sida aay siyaasiyiinta maanta aay faraha uga bixiyeen qaranimada Soomaaliyeed.

Ummada Soomaaliyeed ayaa u aqoonsan in Amin Caamir uu yahay halyeey Soomaaliyeed oo marwalba u taagan difaaca qaranimada iyo gobonimada Soomaaliyeed.
Haddaba halkan ka daawo dokumenteriga HALYEEY SOOMAALIYEED Amin Caamir Maxamed.