CCC, Guuleed, Gaas iyo A/Madoobe oo shirsan.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhexeeya madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa waxa uu caawa ka socda madaxtooyada maamulka Jubbaland.

Kulanka ayaa waxa uu daba socdaa kulan Xalay ilaa Saakay magaalada Kismaayo gaar ahaan aqalka martida ku dhexmaraayay labada madaxweyne waxaana jiro warar hordhac ah oo sheegaya in C/kariin Gulleed iyo C/wali Gaas ay si rasmi ah uga heshiiyeen Khilaafkii kawada dhexeeyay.

Kulanka caawa labada madaxweyne Gulleed iyo C/wali Gaas u socda ayaa waxaa lagu dhameystirayaa haraadiga Khilaafka si uusan dib ugu soo laaban Khilaafka labada maamul kala fogeeyay, waxa uuna xoogiisu yahay mid looga doodaayo Dagaalkii Gaalkacyo.

Kulanka Caawa ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in Madaxweynaha Galmudug uu doonaayo in maamulkiisa uu xuquuq ku yeesho Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo hadii ay dhaqaale ahaan lahayd iyo hadii uu maamul ahaan lahaaba.

C/wali Gaas ayaa isna ka caga jiidaaya in Garoonka ay lug ku yeelato Galmudug waxa uuna ku doodayaa in lahaanshiyaha Garoonka uu yahay mid u gaar ah Puntland.

Madaxweynaha Jubaland ayaa door muhiim ah ku leh dhexdhexaadinta labada dhinac,waxaa sidoo kale shirka caawa socda goob joog ah Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid.

Dhanka kale, Ujeedka ugu weyn ee caawa laga leeyahay kulanka ayaa ah in xal waara laga gaaro khilaafka u dhaxeeya labada maamul ka hor inta uusan furmin shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com