Siilaanyo oo u hanjabay madaxda DF Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo jeedinayay khudbadiisa sanad laha ah ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda dowlada Soomaaliya oo uu sheegay iney wadaan abaabul ka dhan ah Somaliland.

Wuxuu sheegay iney ka warheleen in madaxda Dowlada Soomaaliya ay waddaan qorshooyin ka dhan ah amniga deegaanada Somaliland ayna ka hor tagayaan falal kasta oo lagu dhibaateynayo amaanka Somaliland.

“Waxaan la soconaa in madaxda dowlada Soomaaliya ay wadaan arimo ka dhan ah amaanka Somaliland, waxaan sidoo ogsoonahay iney soo direen xubno amni daro ka geysanaya Somaliland islamarkaana doorashooyinka carqaladeeyo”ayuu yiri Siilaanyo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay iney diyaar u yihiin iney difaacaan deegaanada Somaliland oo aysan aqbaleynin in la waxyeeleeyo ciidda Somaliland, sida u hadalka u dhigay.

“Waxaan diyaar u nahay inaan la dagaalano cid kasta oo arimahaasi kusoo xad gudubto oo aan dhiig u daadino, cidna ka yeeli meyno iney carqaladeyso ciida iyo calanka Somaliland”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ugu dambeyn Axmed Siilaanyo ayaa taageeray go’aan wadamada jaamacada carabta ka qaateen dowlada Iran isaga oo cambeereeyay falkii lagu gubay safaarada dowlada Sacuudiga ee magaalada Tehran.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com