Mooshin ka dhan ah Guuleed oo la diyaarinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaanada maamulka ay wadaan diyaarinta Mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulka C/kariin Gulleed.

Ololaha lagu diyaarinaayo Mooshinka ayaa ka kala socda magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado waxaana loola gol leeyahay mooshinka in madxaweyne Gulleed uu ka mashquulay howlaha maamulka islamarkaana uu ku faraq-xirtay C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe.

Mooshinka ayaa sidoo kale looga soo horjeeda in C/kariin Gulleed uusan arrimaha maamulka kala tashan xaalada maamulka iyadoo ay xusid mudantahay inuu ka meer meerayo la kulanka Xildhibaanada maamulka.

Xildhibaano ka tirsan garabka mooshinka wada oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaran magaalada Cadaado si ay ugu biiraan garabka kale ee Cadaado ku diyaarinaayo Mooshinka.

Xildhibaanada iminka ku mideysan mooshinka ka dhanka ah C/kariin Gulleed ayaa tirro ahaan dhan 28 kuwaasi oo wada ololo lagu kordhinaayo tirada hadda ay yihiin.

Lama oga sida uu mooshinkaasi ku hirgali doono, waxa ayna caqabadu tahay mid la xiriirta xiriir xumida C/kariin mudooyinkaani kala dhexeysa Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com