Axmed Mashruc: Lama fariisanayo Shariif Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha hab qabaa’ileed loosoo doortay ee Bakool sare Axmed Mashruuc ayaa ka dhawaajiyay in marnaba aysan diyaar u aheyn iney wadahadal la galaan maamulka koofur galbeed ee uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Madaxwayne Axmed Maxamed Mashruuc ayaa xusay in wada hadal labo maamul oo kawada hadlaya xiriirka iyo daris wanaaga uu la gali karo Koonfur galbeed, balse uusan marna ula hadlayn inay dib ula midoobaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney yihiin sida uu aamisan yahay maamul ku dhisan rabitaanka dadweynaha iyo waddada saxda ah, sida uu hadalka u dhigay, ayna diyaar u aheyn wadahadal ay kula midoobayaan maamulka koofur Galbeed  la galaan Shariif Xasan Sheikh Aadan.

”Maamulka Koonfur Galbeed xiligii aan la hadli lahayan wa adiideen inay naqaabilaan danteenaana ka tashanay haatan, waxaana nahay Maamul Madax banaan oo leh calan iyo Dastuur” Ayuu yiri Madaxwayne Axmed Mashruuc.

Madaxwaynaha maamulka Bakool Sare waxaa uu meesha ka saaray in odayaal kasoo jeeda Maamulkiisa ay la kulmen Madaxwaynaha maamuka Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Maamulkaan ayaa lagu dhisay caro laga qaaday qaabkii loosoo dhisay baarlamaanka maamulka koofur galbeed, waxaana jawaab isna looga dhigay maamul kale oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga magac daray Jubba Ganaane.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com