Xildhibaan runta ka sheegay qiyaanada Kismayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabaha laga fileynsan karo shirka ka furmaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaan Goodir, wuxuu sheegay in wax weyn aysan kasoo bixi doonin shirka ka dhacaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, maadaama madaxda ka qeyb galeyso ay yihiin kuwo qilaaaf uu u dhaxeeyo.

Wuxuu tilmaamay in hogaanka maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbaland dhawaan hishiis ku gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sidoo kalana ay jiraan xurguf u dhaxeyso hogaanka Puntland iyo Galmudug.

Xildhibaanka ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid madaxda Soomaaliya ay ku kulmayaan iyaga oo aan eegeynin danta ummada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Marar badan waxaan aragnay in markii shir uu dhacaba maamulo kale ay sii sameysnayaan, sababtoo ah waxaa la doonayaa in ummada Soomaaliyeed lasii dabro oo dhibaato loo horseedo”ayuu yiri xildhibaanka.

Caqabadaha ka jirta dalka ayuu sheegay iney ka mid yihiin dhismihii maamulka Bakool sare, Jubba Ganaane iyo caqabada Ahlu sunna oo aan wali la xalin, sida uu sheegay xildhibaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com