Dabageed iyo Ergada Hiiraan oo Jowhar gaaray

Jowhar(Caasimada Online) – Ergooyin ka socda gobolka Hiiraan ayaa maanta tagay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, oo la filayo in laga furo shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe.

Magaalada waxaa lagu daadiyay ciidamo badan oo la doonayo iney adkeeyaan amaanka magaalada Jowhar inta uu socdo shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ergooyinka ka socdo gobolka Hiiraan ayaa waxaa hogaaminaya gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, waxaana lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar.

Xubno ka socdo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ergada iyo masuuliyiin ka socoto gobolka Hiiraan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, iyadoo markii dambe loosoo galbiyay dhismooyinka loogu talo galay iney degaan.

Ergada maanta ka timid magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa magaalada Jowhar kaga qeyb galaya shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirkaasi ayaa waxaa la qorsheeyay in ka hor bisha Maarso ee sanadkaan in lagu soo dhiso magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha DHexe.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com