IRAN oo hadal yaab leh ku ceebeysatay Jabuuti

London (Caasimada Online) – Dowlada Iran ayaa si jees jees uu ku jiro ugu jawaabtay dowlada Jabuuri oo dhawaan shaacisay iney xiriirka u jartay dowlada Iran, kadib markii wadamo badan oo carabta ah xiriirka ay u jareen dowlada Iraan.

Warbaahinta dalka Iran ayaa si aad ah u buun buunisay hadal uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray wasiirka arimaha dibada Iran, oo isku weydiinayay halka caalamka kaga yaalo dal lagu magacaabo Jabuuti, taasi oo Yasmo u muuqatay.

Wasiirka Arimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Shariif ayaa sheegay in Dowladdiisu iyo dadka dalkiisu ayna aqoonin dal Jabuuti layiraahdo,mar uu warbaahinta kula hadlay Magaalada Tehran,wuxuuna sheegay in dal ahaan ayna aqoon  Jabuuti.

Ilaa 15 wadan oo ay kamid yihiin dalalka Kuwait,Qadar,Sucuudiga,Soomaaliya,Jabuuti Jordan iyo Baxreyn ayaa sheegay in ay xiriirka u jareen Iran,kadib markii ay soo baxeen qalalaasooyinka ay dalka Sucudiga ka wadaan dadka Shiicada ah.

Wasiirka Arimaha dibada Iiraan ayaa yiri “Diplamaasiyiinta reer Jabuuti waxaan doonayaan in aan waydiiyo inay Khariidada Caalamka ka soo helaan dalka La dhaho Jabuuti iyo meesha uu aduunka kaga yaalo,waan u baahanahay in aan barto dadka halkaa jooga,oo aan aqoon u lahayn”.

Dowlada Jabuuti ayaa dhawaan shaacisay iney xiriirka u jartay dalka Iran, kadib markii uu so ifbaxay xiisada u dhaceyso Iran iyo Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com