Arag Sawirrada: Cali Khaliif Galeyr oo billaabay olole ka dhan ah Puntland iyo Somaliland + Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Buuhoodle iyo deegaano hoostaga ku sugan Madaxweynaha Khaatumo State Cali Khaliif Galeydh iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Ujeedka socdaalka Galeyr iyo Wafdigiisa ayaa ah sida maamulka Khaatumo iyo Maakhir lagu mideyn lahaa, waxaana socdaalka ku wehlinaaya Cali Khaliif Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkiisa.

Deegaanada ay cagta mariyeen ayaa waxaa kamid ah Buuhoodle iyo Balli-cad waxa ayna dadka deegaanka ka dhaadhicinayaan inay ka shaqeeyaan sida lagu gaari lahaa hadafkooda.

Galeyr waxa uu dadka deegaanadaasi u sheegay in muhiimada socdaalkooda uu yahay sida maamul sharciyeysan loogu sameyn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Isaga oo la hadlaayay dadka ku nool Degaanka Balli-cad oo haatan xarun u ah maamulka Khaatumo ayaa yiri ”Siyaasadeenu wey ka fogtahay in lagu hoos noolaado deegaan aan laheyn maamul waxaan u socnaa in la yagleelo maamul ka quwad badan kan hadda jira oo lagu mideysan yahay”

”Waxaan dooneynaa in maamul mideeya Khaatumo iyo Maakir la dhiso, Xassan Sheekh waxa uu xujo nooga dhigay inaan soo wada hadalno oo aan wada heshiino si nalaguugu dhiso maamul loo dhanyahay”

Galeyr waxa uu sheegay in madaxweyne Xassan uu u ballanqaaday inuu u yagleeli doono maamul sharciyeysan, waxa uuna taasi sheegay in lagu gaari karo kaliya in labada maamul la mideeyo.

Isaga oo sidoo kale ka hadlaayay qorshooyinka uu damacsan yahay C/wali Gaas ayuu yiri “C/weli Gaas dad iyo dal aan kiisa ahayn ayuu leeyahay Afti ha laga qaado, taasina ma ahan mid dhacaysa, hadde geeleenuna isku sumad maaha.”

Dhanka kale, Galeyr ayaa Odayaasha iyo shacabka ugu baaqay inay dhexda u guntadaan wadadii lagu gaari lahaa maamul la barbar dhigma kuwa iminka ka jira Somalia.
1

2

3