Tallaabo ay qaaday gabar Soomaaliyeed oo xilka looga qaadayo wasiir xil sare ka haya wadanka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Australia, ayaa qoray in uu is casilaayo Wasiirka Socdaalka ee Australia, Peter Dutton.

Iscasilaada Peter Dutton ayaa lagu micneeyay mid daba socta ficiltan uu ku sameeyay Haweeney Soomaali ah oo kamid aheyd qaxootiga dalkaasi galay.

Peter Dutton ayaa Haweeneydaasi oo lagula kacay fal kufsi ah kula dhaqmay ficil aan munaasab aheyn kadib markii ay ka dalbatay in lasiiyo fursad ay carruurtaasi isaga soo xaaqdo.

Haweeneyda ayaa waxaa lagu magacaabaa Abyan waxa ayna uurkaasi ku qaaday xero ku taalla Jesiiradda Nauru.

Haweeneydaasi iyadoo aan la kulmin Dhakhaatiirta ayey Dowlada Australia 115,000 oo Dollar uga kireysay diyaarad Khaas ah, iyadoo dib loogu celiyey Jesiiradda Nauru.

Sidoo kale, Jaraa’idada ayaa qoray in Ra’isul wasaaraha dalkaasi Malkolom Trumbul uu qudhiisa damacsan yahay in xil ka qaadis uu ku sameeyo Wasiirka Socdaalka ee Australia Mr Peter Dutton oo ku guul dareystay habdhaqanka bulshada.

Geesta kale, Sababta ugu weyn ee Casilaada Wasiirka Socdaalka ee Australia, ayaa lagu sheegay inay tahay fariin aflagaado ah uu u diray Haweeneydaasi lagu magacaabo Abyan, waxa ayna fariintaasi Abyan usoo bandhigtay warbaahinta dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com